Avengers – Infinity War iyo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Filimka weyn ee Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa 10 Crore keenay todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso taasi oo ka dhigtay filimkaan inuu 213 Crore (Trade Figure) ganacsigiisa gudaha Hindiya gaaro.

Waxaa muuqato Avengers – Infinity War in daawadayaasha ugu badan quutay labo todobaad ee ugu horeesay madaama todobaadkiisa sedexaad ganacsi ahaan uu gaabis sameenayo.

Sidoo kalena Avengers – Infinity War wuxuu Jimcadaan loolan kala kulmi doonaa filimka Hollywood-ka ah Deadpool 2 oo gudaha Hindiya la saari doono taasi oo ka dhigan in Avengers – Infinity War cimri ahaantiisa 220 Crore ilaa 225 Crore ganacsi ah inuu ku istaagi doono.

Fadlan hoos kaga bogo Avengers – Infinity War oo gudaha Hindiya Blockbuster ka noqday mudo 17-maalmood ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Jimco sedexaad – 2.25 Crore

Sabti sedexaad – 3.50 Crore

Axad sedexaad – 4.50 Crore

Todobaadka sedexaad – 10.25 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 213.27 Crore (Trade Figure)