Avengers: Infinity War oo ka talaabsaday Furious 7 & Avengers welina wacdaro dhigaayo

Avengers: Infinity War ayaa kaalinta 5-aad hadda taagan marka laga hadlaayo filimada Hollywood-ka ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen ganacsigoosa isku dar ahaan gudaha USA iyo daafaha caalamka.

Avengers: Infinity War haatan wuxuu soo xareeyay $1.60 Billion wuxuuna ka talaabsaday ganacsi ahaan filimada caanka ah he Avengers ($ 1.518 billion) iyo Furious 7 ($ 1.516 billion).

Sidoo kale Avengers: Infinity War wuxuu ku socdaa inuu soo qabto filimka Jurassic World oo horey usoo xareeyay $1.67 billion weliba maal maha nagu soo fool leh ayuu dhaafi doonaa.

Sida uu hadda ku socdo haddii laga cabir qaato waa qasab in Avengers: Infinity War uu $2 billion soo xareeyo ganacsigiisa guud laakiin marnaba ma gaari karo ganacsiga ganacsiga rikoorka ah ee Avatar sameeyay $2.78 billion.

Filimka Avengers waxaa Director ka ah Anthony iyo Joe Russo waana filimka 19-aad ee Super Hero ah sidoo kalena shirkada Marvel sameyso.

Filimkan weyn Avengers waxaa la isugu keenay qaar ka mid ah jilaayaasha Hollywood-ka ugu caansan kana mid yihiin Robert Downey Jr., Josh Brolin, Chris Hemsworth, Chris Evans, Mark Ruffalo, Scarlett Johansson, Samuel L. Jackson, Chris Pratt, Zoe Saldana, Dave Bautista, Don Cheadle, Sebastian Stan, Elizabeth Olsen, Tom Holland, Benedict Cumberbatch iyo  Tom Hiddleston.