Home » Avengers - Infinity War » Avengers – Infinity War oo ka talaabsaday ganacsiga Chennai Express maantana dhaafi doono Kick!

Avengers – Infinity War oo ka talaabsaday ganacsiga Chennai Express maantana dhaafi doono Kick!

Filimka Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa sabtigiisa sedexaad keenay 3.50 Crore taasi oo ka dhigan in mashruucaan haatan ganacsigiisa maraayo 209 Crore (Trade Figure).

Filimka Avengers – Infinity War wuxuu ganacsi ahaan dhaafay filimka Chennai Express halka maanta uu ka talaabsan doono filimka Kick wuxuuna noqon doonaa filimka 9-aad lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyo taariikh ahaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Avengers – Infinity War ganacsiga uu gudaha Hindiya ilaa haatan ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.75 Crore

Jimco labaad – 2.25 Crore

Sabti labaad – 3.50 Crore

Wadarta Guud – 208.77 Crore (Trade Figure)