Megastar Sunny Deol dhawaanahan wuxuu ku mashquulay dhanka siyaasada asigoo xil dhibaan qaran noqday balse dhawaan waxaan idinla wadaagnay inuu Bollywood-ka kusoo laabanayo asigoo sameenayo filim Action ah oo uu soo saare ka yahay.

Haatan waxaa la ogaaday filimkan Action-ka iyo qayaanada isku jiro ah in loo diiwaan galiyay magaca The Blind Case wuxuuna ku jilaa sarkaal horey ciidamada militariga Hindiya kaga tirsanaan jiray oo howl gab ah balse caawinayo 4-dhalinyaro halis weyn dhexda kaga jiraan.

Waxaa la sheegay filimka The Blind Case inuu sheeko ahaan xoogaa shabaho filimkii Malayalam-ka ahaa ee sanadii 2016 Blockbuster-ka weyn noqday Oppum ee Superstar Mohanlal hogaamiye ka ahaa halka Priyadarshan Director ka ahaa kaasi oo ku saabsanaa nin indhool ah oo bad baadinayo ama garab siinayo gabbar dhibane ah.

Filimka The Blind Case waxaa Director ka ah Hanu Ragahavpudi oo ah filim sameeye reer Telugu oo markii ugu horeesay mashruuc Hindi ama Bollywood ah sameenayo waxaana la qorsheenayaa in Sunny Deol mashruucan duubis ku bilaabo marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato madaama haatan shaqooyinka oo idil wada joogsadeen halgana loogu jiro la dagaalanka caabuqa halista badan Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here