Hadii reer Kapoor yihiin qoyska ugi magaca weyn uguna ballaaran Bollywoodka sido kale reer Deol waa qoyska ugu awooda badan fanka hindiya waqtiga ugu dheerna Star Power lahaayen haba ugu horeyaan Dharmednra, Hema Malini, Sunny Deol iyo Bobby Deol kaliya Esha Deol iyo Abhay Deol ayaa ka banjareen qoyskaan inta kale awood ayee ku lahaaden fanka xiliyadooda.

Marka aan ka hadalno Sunny Deol ereyga Superstar ereyga Superstar godob ayaa laga galay hadaan lagu darin liiskaas Sunny Deol inta badan waxaa magacaas loogu yeeraa Dilip Kumar, Amitabh Bachchan, SRK, Salman, Aamir iyo dhowaanahan oo Akshay Kumar lala daba kacay.

Sunny Deol waa Superstar kana sii ah Mega Superstar kaaso awoodiisa ay hadleyso mar sanadkii hore Bobby Deol wareysi lala yeeshtay waxuu sheegay qoys ahaan reer Deol in aysan is xayeysinin waxuu yiri.

“Maanta atoore walba waxaa qasab ah inuu is xayeysiiyo si filimkiisa u gadmo maqaamkiisana sare ugu kaco laakiin anaga reer Deol waligee hal sharci ayaan laheen taaso ah in shaqadeena ay hadasho halkii aan anaga afkeena isku buun buunin laheen.”

Sunny Deol waxuu ahaa atoorihii ugu shacbiyada badnaa 90-kii ilaa 2003 uguna awooda badnaa fanka hindiya balse wixii intaa ka dambeeyay waxaa la galay qarnigii Multiplex oo dooqa daawadayaasha lakala saaray reer magaal iyo reer tuulana loo kala baxay.

Shacbiyadii Sunny Deol kusoo raaxeestay waligeed waa mid la xusi doono hadii Sunny Deol kaarto uu ku sawiran yahay isagoo qori heesta dhiigna kasocdo lasoo dhajiyo shineemadaas ama tiyaatarkaas waa la isku dagaali jiray sida loo buux dhaafiyo aawged dad daacad u ah ayuu xidigaan heestay Filimkiisa ha xumaado ama ha fiicnaado waa la daawan jiray.

Tusaale Kamid Ah Sidii Sunny Deol bilawgii Qarnigaan Oga Awood Badnaa Shah Rukh Khan-kii Fanka Hindiya Hogaaminaayey:

Filimada Sunny Deol Flop-ka kanoqdeen bilawgii qarnigaan ma maleysan kartid ganacsiga maalintooda kowaad ay sameyeen inee ku garaaceen SRK Filimadiisa ugu waaweyna oo halmae tiyaatarada la isla saaray.

Sunny Deol Filimkiisa Hero ee Flop-ka noqday 2003 la daawaday maalintiisa kowaad waxuu ku furmay nidaama loo yaqaan Bumper Opening waxuuna keenay 2.25 Crore halka SRK Filimkiisa ugu weynaa sanadkaan Kal Ho Na Ho ahaa kaaso keenay 2.18 Crore xitaa Devdas oo SRK sameeyay sanad kahor xiligaa waxuu keenay 2.10 Crore maalintiisa kowaad.

Markale dib aan u noqono Ma Tujhe Salam (2002) ayuu la yimid kaaso asna ku furmay Nidaamka waalida ah ee Bumper Opening waxuuna keenay 1.75 Crore halka SRK Filimkiisa Chalte Chalte keenay 1.55 Crore.

Adiga le is bar bar dhig hadii Sunny Deol oo gabalkiisa sii dhacaayo hogaanka fanka hindiyana lagala wareegay ay Filimadiisa Flop-ka noqdeen sidaas maalintooda kowaad u gil gilaayeen Box-office-ka kana awood bateen Shah Rukh Khan-kii ahaa atooraha ugu awooda badan Bollywoodka aflaamtiisa Big Hits-ka noqdeen.

Micnaha SRK ayaa ahaa atooraha xiligaas ugu awooda badan Bollywoodka Aamir iyo Salman-na xisaabta maba kujiraan marka SRK-kii laga heybeysanaayey Filimadiisa Big Hits-ka ahaayen waxaa ka bilaawasho wanaagsanaayen Sunny Deol-kii awoodiisa dhulka sii galeysay gabalkiisana sii dhacaayey aflaamta uu sameeyay kuwoodi Flop-ka ahaayen.

Taasi waa cadeyn cad oo kufilan sida Sunny Deol daacad ugu ahaayen taageerayaashiisa fagta horena usoo buux dhaafin jireen tiyaatarada sidaa aawged marwalba SRK waxuu ahaa ardayga Sunny Deol awoodna kuma uusan gaari karin rugcadaagan laakin Khans-ka kale ayuu ka awood badnaa SRK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here