Ayushmann Khurrana xirfadiisa kahadal malahan waa jilaa caan ah misane door walba sameeyn kara xidigtaan markii uu sameynaayey Vicky Donor qofna kuma fikireynin inuu heerkan deg deg ku gaari doono.

Waxuu ka jiliin fiican yahay kuwa badan oo Bollywoodka waqti dheer kujireen waxaana lagu tilmaama mid kamid ah kuwii ugu xirfada fiicnaa taariikh ahaan shirkadaan soo mareen waxaana u sabab ah doorarka kala nooc-nooc ah ee uu mudooyinkii dambe sameeyay iyo mid walba sida uu ugu cadaalad falay.

Ayushman waxuu kasoo muuqday wargeyska ugu weyn Time Magazine oo soo bandhigeen 100 qof ugu saameeynta badan dunida 2020 waxaa kaloo liiskan kasoo muuqdeen shaqsiyaad dunida caan ka ah sida Selena Gomez,Bong Joon Ho iyo kuwa kale oo badan.

Deepika oo ka hadleysa Ayushmann wax qabadkiisa waxay tiri,”waxaan xusuustaa markuu Ayushman sameeynaayey Vicky Donor, maanta heerka uu gaaray waxay ka dhigantahay xirfadiisa heerka ay gaarsiisantahay.”

“Bulshada reer Hindiya waxaa lagu qiyaasaa 1.3 Billion qof dad ahaan balse kuwa yar ayaa nolosha deg deg heer oga gaareen xirfadooda oo wacan aawged hadaba Ayushman waa mid kamid ah dadkaas waana kuwa aan ku faani doono waligeen.”

1 COMMENT

  1. Ayushman Khurrana kani waa nin cajiib ah hubaal filmada fariimahiisa kala duwan sida uu u culanaayo iyo cirfadiisa dhamaystiran ayaa ah mid aan la xaqiri karin waxaan ku xasuusataa Mr.Khurrana filmada #Article15 Iyo #Bala siduu ugu cadaalad falay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here