Ayushmann Khurrana ayaa afka furtay misane shaaca ka qaaday inuu hada kahor shumiyay wiil hada shumiskii daamanka ama dhabnaha ma ahan ee waa shumiskii afka wale dadka wey yaabeen markii fagtii hore uu sheekadan sheegay.

Balse sharaxaad ayuu kudaray waxuu yiri,”da’ahaan intaan waan ka yaraa waxaan aniga asaxaabteyda ciyaareynay ciyaarta la dhaho “Truth or Dare” oo ah qofka ka run sheego suaal walbo la weydiiyo ama ka run sheego falwalba oo samee ladhaho.”

“Waxaana samee la idhahay “Dare” oo ah inaan shumiyo wiil saaxiibkeyga ah waana ku qasbanaa waana shumiyay waana markii ugu horeysay nolosheyda wiil shumiyo” Ayushmann ayaa hadal heynta la wareegay maalmahan maadama la arkay isagoo jilaa kale shumis la wadaagayo waana hees laga soo bandhigay Filimkiisa xiga.

Sheekadan hore uu ka sheekeynaayey sidaas ayuu ku keenay waxuu yiri isagoo hadalkiisa siiwata,”hadii nolosha dhabta ah aan ciyaar aan ciyaaraya aawged wiil u shumiyay maxaa diiday anigo Filim sameynaayo misane doorkeyga ka dhabeynaayo inaan wiil shumis la wadaago.”

Filimka Shubh Mangal Zyada Saavdhan waxuu Ayushmann kujilaa door nin “Gay” ah ama si kale hadasn u micneeno nin jeeb gadaal ah oo Ragga haweesta ama damco waana wax matare xiriir la wadaaga Ragga kale hadaba door noocaas ah ayuu Ayushmann kujilaa mashruuciisa xiga.

Ayushmann ayaa sheegay in sanadkasn 2020 lagu jiro dunida ay ku nool yihiin nin jeclaanayo nin kale, gabar jeclaneyso gabar kale xiriir noocaas ah caadi ayuu ka noqday dunida ayuu leeyahay xidigaan waxaana moodaa inuu soo dhaweynaayo xiriirada noocaas ah hadal heyn badan iyo fadeexo ayuuna dhexda ka gali doonaa atoorahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here