Waa markale iyo barnaamijkii aan uga hadleynay shakhsiyaada hormuudka u ah taxanaha Hercai anagoo horay uga soo hadalnay Reyyan, Miran, Hazar, Aziza, iyo Gonul markaana waxaan falanqeyn doonaa shakhsiyada Azaad Sadoglu.

Ugu horeyn Azaad hamigiisa oo dhan waa inuu jecelyahay Reyyan balse dariiq walba uma maro siduu ku heli lahaa Reyyan taas badalkeeda wuxuu u maraa qaab nadiif ah oo saxan.

Jaceylka uu Azaad u qabo Reyyan waa mid nadiif ah wuxuuna marwalba Reyyan kahormariyaa naftiisa mana ahan jaceylkiisa mid anaaninimo kujirto sida midka Gonul oo kale waxaana tusaale kuugu soo qaadan karnaa;

Bilowga xalqooyinka markii Reyyan sharafteeda meel looga dhaco wuxuu dhahaa si sharafteeda u badbaado diyaar ayaan u ahay inaan guursado asigoona waliba qoyskiisa oo dhan darteed u mucaaradaayo.

Sidoo kale markii la dhaho waa la dilaa waa qofka iyada badbaadinaayo si ay dilkaas reerka kusoo oogeen uga badbaadiyana wado kasta ayuu u maraa.

Ha iloobin xalqooyinkii ugu dambeeyay markii Aziiza ugu hanjabeyso Azaad in Reyyan ay dili doonto hadii uusan ka tagin magaalada wuxuuna dalabka Aziiza u aqbalaa Reyyan darteed.

Azaad halka arin ee uu markasta ka shalaayo ayaa ah in uusan Reyyan ka daba boodin markii ay buundada iska soo tuurtay qofka kadaba boodayna uu yahay Miran waana arin ku tusineyso in jaceylka Miran oo ka xooganyahay midka Azaad.

Sidoo kale caqabada jaceylkiisa hortaagan ayaa waxay tahay in Reyyan aysan asiga jecleyn taaas badalkeedana ay Miran jeceshahay waana halka dhib ee jaceylkiisa hortaagan iyo cilada asiga heysato qofaan ku jecleyn jeclow.

Hadaba Akhristow adiga sidee u aragtaa shakhsiyada Azaad Sadoglu ee taxanaha Hercai?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here