Aziiza Aslan Bey naag dulman oo caruurteeda la laayay mise daalimad umada kadeeday.

0
1493

Caziiza Aslan Bey waa qofka taxanaha cusbada u yeelo misna dibin daabyo kasta maleego.

Inkastoo ay jiraan shakhsiyaad kale oo dibin daabyo maleego sida Yaariin Gonul Suldana iwm hadana marnaba ma gaari karaan kaartada Aziiza dagto iyo saameynta ay taxanaha ku leedahay waana qofka sadaxaad ee taxanaha ugu saameynta badan kaliya Reyyan iyo Miran ayaa ka saameyn badan.

Caziiza taariikhdeeda hore si waadix ah laguuma tusaayo hadba meel ayaa laga taabtaa mana jirto sheeko dhameystiran oo ilaa iyo haatan laga soo bandhigay sidii nolosheedii aheyd qaabka ay Aziiza Aslan Bey ku noqotay sababta caruurteeda loo dilay cida sida rasmiga u dishay iwm majirto ilaa iyo haatan sabab si rasmi u cadeyn karto saas oo ay tahayna waan yara taaban doonaa.

Ugu horeyn Aziiza shaqaalo ayay u ahaan jirtay reer Aslan bey kahor inta aysan wiilkooda Ahmed Aslan Bey guursan.

Caziiza waxaa loo geystay jirdil aad u weyn iyadoo lagu tusaayo in jirkeeda uu wada sumad yahay wajiga markii laga reebo isla markaasna dhaawacyo waaweyn ku yaalaan si cadna looma sheegaayo cida ka dambeyso.

Caziiza jirdilkaas ka sokow waxaa la dilay sadax wiil oo ay dhashay waana hooyo ilmaheeda weysay iyadoona dhimashadooda dusha u saartay reer Aslan Bey balse xaqiiqda iney iyaga dilkooda ka dambeeyeen ma cada waxayna u badantahay in Suldana arinka lug ku leedahay.

Caziiza silica labiday iyo caruurteeda la laayay waxay ku kaliftay iney aargoosi ku tashato oo reer Sadoglu nolosha ku silciso kana aarsato.

Caziiza inkastoo caruurteeda la dilay hadana aargoosigeeda marnaba dil qeyb kama ahan oo iyada dilaa ma ahan balse qaab kale ayay dooneysaa iney ku aargoosato tusaale;

Qaabka ay Reyyan u fadeexeysay, in Rer Sadoglu kala wareegtay hantidooda iyo qasrigooda iwm.

Hadaba akhristow Caziiza markaad fiirisid sida loo galay iyo in caruurteeda la laayay makula tahay in loo garaabi karo maadaama aysan dilaa aheyn misna qaab kale ku aarsaneyso?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here