Baaghi 2 ma hakanaayo ganacsi adag ayuu sameenayaa weli asigoo Jimcadiisa sedexaad shaqeestay

Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 ma hakanaayo wuxuuna keenay 1.50 Crore (Trade Figure) Jimcadiisa sedexaad taasi oo ka dhigan wadarta guud inuu sameeyay ganacsi gaarayo 145 Crore (Trade Figure).

Baaghi 2 daraja 150 Crore wuxuu gaari doonaa sabti iyo axad ganacsiga uu sameeyo marka loogu daro halka uu haatan maraayo taasi oo ka dhigeyso darajada Blockbuster si sahlan ku gaari doono.

Baaghi 2 wuxuu noqon doonaa filimka 19-aad ee 150 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo waana guul lixaad leh oo uu Tiger gaaray madaama filimkiisa aan xili fasax ah la daawanin.

Varun Dhawan filimkiisa October ayaa shalay tiyaatarada ku cusbaa balse waxba uma dhimin ganacsiga Baaghi 2 madaama filimkaan uu yahay mid fariintiisa min tuulo ilaa magaalo laga daawanayo halka October fariintiisa tahay mid xadidan oo loogu tala galay dadka magaalooyinka waa weyn ku nool loogu tala galay.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 2 iyo ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 110.81 Crore

Todobaadka labaad – 32.50 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 1.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 144.81 Crore (Trade Figure)

Baaghi 2 ayaa ku socdo cimri ahaantiisa inuu labo laab ka ganacsi badnaado qaybtii kowaad ee filimkaan Baaghi oo sanadii 2016 keenay 76 Crore waana sare u kac waali ah oo muujineyso in Baaghi uu noqday taxane siweyn u hirgalay oo Boxoffice-ka aqoonsi lixaad leh ka helay kuma uusan qaldaneyn soo saare Sajid Nadiadwala inuu sameynta Baaghi 3 ku dhawaaqo ayadoon xitaa Baaghi 2 tiyaatarada la saarin!