Baaghi 2 oo ku socdo todobaadkiisa sedexaad inuu ganacsi adag sameeyo

Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 ayaa ku socdo inuu ganacsi adag sameeyo todobaadkiisa sedexaad wuxuuna keeni doonaa 10.50 Crore.

Baaghi 2 hadda mudo shan maalmood uu ka qabo todobaadkiisa sedexaad wuxuu keenay 8.75 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigeyso in ganacsigiisa guud uu haatan maraayo 152.50 Crore (Trade Figure).

Baaghi 2 ganacsigiisa wuxuu gaari doonaa 154 Crore mudo sedex todobaad ah marka uu dhameesto kadibna hal todobaad dheeraad ah oo uu ganacsigiisa kusii wato ayuu heli doonaa.

Qiyaas ahaan Baaghi 2 wuxuu ku istaagi karaa 158 Crore sidoo kalena fursad aan weyneyn ayuu heesta oo uu 160 Crore gaari karo waayo filimka Hollywood-ka ah Infinity War ayaa masraxa Hindiya la wareegi doono 27 April 2018.

Baaghi 2 ganacsigiisa haddii uu 100 Crore noqon lahaa wax weyn ayay ahaan laheyd madaama qaybtiisii kowaad in Baaghi sanadii 2016 keenay 76 Crore balse hadda si waali ah ayuu u gadmay taasi oo ka dhigan Baaghi 3 inuu wacdaro waali ah dhigi karo haddii fariinta filimkaan la qaldin.

Fadlan hoos ka eeg Baaghi 2 ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 110.81 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 32.74 Crore (Rasmi)

Jimco sedexaad – 1.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 2.25 Crore (Qiyaas)

Axad sedexaad – 3 Crore (Qiyaas)

Isniin sedexaad – 1.10 Crore (Qiyaas)

Talaado sedexaad – 1 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 8.85 Crore (mudo 5-maalmood)

Wadarta Guud – 152.40 Crore (Trade Figure)