Tiger Shroff & Shraddha Kapoor filimkooda Action-ka ah Baaghi 3 wuxuu keenay 20 Lakh Isniintiisii labaad sida ay shabakada BOI soo daabacday wuxuuna ganacsigiisa haatan ku istaagay 92.68 Crore (Trade Figure) mana sii socon doono madaama dhamaan tiyaatarada Hindiya albaabada la isugu dhuftay.

Waan ka xunahay Tiger filimkiisa Baaghi 3 100 Crore ma gaari doono oo ah barta uu ku bad baadi lahaa halka 115 Crore haddii uu gaari lahaa HIT noqon lahaa balse mashruucan rajada laga qabo waxay tahay in masraxa dib loogu soo celiyo inkastoo aan la ogeyn waqtiga dib loo furi doono tiyaatarada Hindiya madaama cabsi xoogan laga qabo Coronavirus.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Baaghi 3 iyo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida ay soo daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 86.73 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 2.25 Crore

Sabti labaad – 1.75 Crore

Axad labaad – 1.75 Crore

Isniin labaad – 20 Lakh

Todobaadka labaad – 5.95 Crore (mudo 4-maalmood)

Wadarta Guud – 92.68 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here