
Xidiga awooda badan Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 3 ayaa BIG HIT ka noqday dhanka TV-yada kadib markii Satellite-ka lagu soo fasaxay sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxaa u suura gashay fagta kowaad filimkan inay daawadaan 12-milyan iyo 500,000 oo qofood dhanka TV-yada siweyn kaga soo dhaweeyeen.
Baaghi 3 wuxuu 20% ka hooseeyaa dhanka bilaabashada TV-yada filimkan taxanaha ah qaybtiisii labaad Baaghi 2 oo 15-milyan iyo 500,00 oo qofood daawadeen balse ogaada Baaghi 2 tiyaatarada Blockbuster ayuu ka noqday si dhaqsi ahna TV-yada waa loogu soo fasaxay halka Baaghi 3 tiyaatarada 10-maalmood markii uu saarnaa la xiray sidaasna ku noqday filim tiyaatarka ka guul dareesteen sidoo kalena TV-yada wuu kasoo daahay oo 8-bilood kadib ayaa lagu soo fasaxay madaama filimkan daawashadiisa dhanka Digital-ka ama Internet-ka sida Online loo daawado lagu hormariyo.
Baaghi 2 sedex jeer marka lagu soo fasaxay TV-yada waxaa guryaha ku daawadeen 31-milyan iyo 500,000 oo qof halka Baaghi 3 sedex jeer isagana TV-yada lagu soo fasaxay ay daawadeen 24-milyan iyo 500,000 oo qofood daawadeen waana sababta filimkan HIT u noqday.
Waxaa kaloo xusid mudan in Baaghi 3 iyo filimka Tanhaji oo Blockbuster ka noqday tiyaatarada in si isku mid ah TV-yada looga soo dhaweeyay taasi oo muujineyso haddii Tiger filimkiisa xaalada oo caadi ah la daawan lahaa Boxoffice-ka inuu HIT ka noqon lahaa waana qasab hadda in Baaghi 4 la sameeyo madaama TV-yada siweyn looga soo dhaweeyay taxanaha qeybtiisa sedexaad.
Fadlan hoos kaga bogo 3-jeer ee kala duwan Baaghi 3 TV-yada laga daawaday iyo sida ay qoysaska u daawadeen waxaana kasoo xiganay xogtaan shabakada BOI:
Fagta kowaad – 12-milyan iyo 90,000 oo qofood
Fagta labaad – 9-milyan iyo 91,000 oo qofood
Fagta sedexaad – 2-milyan iyo 356,000 oo qofood
Wadarta Guud – 24-milyan iyo 537,000 oo qofood ayaa TV-yada ka daawadeen.
Filmside waxad iga jawaabtan su,aal taaso ah deepika padukone maxay sawirka ranbir usaaratay profilekeda?jeceelkii hore ma kuso kacay