Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 3 waxaa u suura gashay todobaadka kowaad ganacsi ahaan inuu gobolo badan filimka Tanhaji ee Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay kaga ganacsi badiyo inasktoo Tanhaji uu yahay HIT-ka ugu weyn sanadkan Bollywood-ka sameeyeen madaama Blockbuster weyn noqday.

Marka meel la iska dhigo gobolada Mumbai iyo CP Berar oo is maamulka weyn Maharashtra hoos imaadaan inta badan waxaa dhacday in gobolada kale Baaghi 3 ku ganacsi badiyay weliba Bariga iyo Waqooyiga Hindiya Tiger filimkiisa ayaa ku sareeyo ganacsiga halka todobaad Baaghi 3 iyo Tanhaji sameeyeen.

Sidoo kale dhankaas iyo Koonfurta Tiger labo gobol oo muhiim ah ayuu Ajay ku garaacay kuwaas oo kala ah Kerala iyo Assam weliba si gaar ah suuqa Kerala ee xarun u tahay Bangalore ganacsi heer sare ah ayuu filimkan ka sameeyay waana suuq atoorayaasha Bollywood lagu soo dhaweynin marka laga reebo Aamir Khan iyo Shah Rukh Khan oo si jireen ah suuqaan ugu xooganaan jireen waana astaan muujineyso in Tiger xidignimadiisa Hindiya ku baahday.

Fadlan hoos kaga bogo todobaadka kowaad ganacsiga ay sameeyeen filimada Baaghi 3 iyo Tanhaji is bar bar ay shabakada Boxoffice India (BOI) ku sameesay:

Mumbai

Tanhaji: The Unsung Warrior – 57.34 Crore

Baaghi 3 – 26.58 Crore

Delhi / UP

Tanhaji: The Unsung Warrior – 1603 Crore

Baaghi 3 – 16.14 Crore

East Punjab

Tanhaji: The Unsung Warrior – 6.68 Crore

Baaghi 3 – 6.83 Crore

Rajasthan

Tanhaji: The Unsung Warrior – 4.58 Crore

Baaghi 3 – 5.15 Crore

CP Berar

Tanhaji: The Unsung Warrior –  7.43 Crore

Baaghi 3 – 5.29 Crore

CI

Tanhaji: The Unsung Warrior – 3.57 Crore

Baaghi 3 – 3.42 Crore

Nizam / Andhra 

Tanhaji: The Unsung Warrior – 6.89 Crore

Baaghi 3 – 5.39 Crore

Mysore 

Tanhaji: The Unsung Warrior – 4.14 Crore

Baaghi 3 – 2.91 Crore 

Tamil Nadu / Kerala

Tanhaji: The Unsung Warrior – 1.06 Crore

Baaghi 3 – 2.05 Crore

West Bengal 

Tanhaji: The Unsung Warrior – 2.97 Crore

Baaghi 3 – 4.20 Crore

Bihar

Tanhaji: The Unsung Warrior – 2.55 Crore

Baaghi 3 – 4.56 Crore

Assam

Tanhaji: The Unsung Warrior – 88 Lakh

Baaghi 3 – 2.18 Crore

Odisha

Tanhaji: The Unsung Warrior – 1.16 Crore

Baaghi 3 – 2.03 Crore 

TOTAL 

Tanhaji: The Unsung Warrior – 115.28 Crore

Baaghi 3 – 86.73 Crore

Sida is bar bar dhiga sare ka muuqato ganacsiga todobaadka kowaad la sameeyay Baaghi 3 wuxuu ku ganacsi badiyay 8-gobol halka Tanhaji isagana 5-gobol ka ganacsi badiyay Baaghi 3 sidaa darteed Tiger filimkiisa xaalada Coronavirus-ka ahaa dhibaato ku noqotay ee hubaal ahaan 150 Crore wuu gaari lahaa HIT ayuu noqon lahaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here