Atariishada caanka ah Deepika Padukone ayaa xiriir jaceyl lasoo wadaagtay Ranbir Kapoor oo ka mid ah jillaayaasha ugu wanaagsan shirkadda aflaanta Bollywood Industry.

Deepika Padukone iyo Ranbir Kapoor jaceylkoodu muddo dheer ma uusan waarin, ka dibna Ranbir ayaa u wareegsaday Katrina Kaif.

Warbaahinta ayaa si weyn uga hadashay sababtii uu xiriirkaasi u burburay, Deepika Padukone ayaana ku eedeysay Ranbir Kapoor inuu lahaa sababta ugu weyn.

Laakiin 9 sanno ka hor ayey aheyd, markii Deepika Padukone ay weerarkii ugu xumaa ku qaaday Ranbir Kapoor ka dib markii lagu casuumay barnaamijka Koffee With Karan ee Director Karan Johar.

Deepika Padukone ayaa waxaa showga kala soo muuqday Sonam Kapoor, Karan Johar ayaana wuxuu weydiiyey cidda ay siin laheyd hadiyadda qaaska ah (Special gift).

Deepika ayaa u sheegtay KJo inay hadiyaddaas qaaska ah siin laheyd Ranbir, weliba ay ka dhigi laheyd baakad condoms ah… Waxayna tiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan baakad condoms ah (Balaastiga difaaca ay u qaataan raggu xilliga sariirta) aan siiyo Ranbir. Sababtoo ah Ranbir si aan caadi aheyn ayuu u isticmaalaa condom-ka”.

11kii bishii November sannadkii 2010kii ayaa la daawaday xalqaddaan barnaamijka Coffee With Karan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here