Shirkada Fox Star Studio ayaa ku xumaatay filimka weyn ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay Sooryavanshi in si rasmi ah dib loogu dhigay waqtigii la daawan lahaa oo ahayd 24-ka bishan Maarso madaama Hindiya gobolo badan tiyaatarada ku yaalo la xiray ayadoo laga cabsi qabo in Corono Virus-ka dadka ku faafo.

Sidaa darteed Sooryavanshi kaliya waa la baajiyay balse shaaca lagama qaadin xiliga la daawan doono waxayna u badan tahay xaalada marka ay caadi kusoo laabato in mashruucan la daawan doono qiyaas ahaan bisha April inta lagu guda jiro ayaa filimkan weyn la daawan doonaa balse shirkada Fox Star waxay dhibsatay jadwalka isku qasmay waayo shirkadan waxay qeybineysaa waxna ka maal galisay Akshay Kumar filimkiisa kale Laxmi Bomb oo ciidul fitriga la daawan lahaa.

Haatan wey adag tahay in 22-ka May 2020 la daawado filimka Laxmi Bomb oo ay isku dhacaan filimka Radhe ee Salman Khan hogaamiye ka yahay waayo suurta gal ma ahan labo gudaheeda Akshay Kumar labadiisa filim in masraxa la isla saaro macquulna ma ahan labadan filim halmar xayeysiin loo wada sameeyo sidaa darteed waa qasab in Laxmi Bomb dib loo dhigo fasaxa ciidul fitrigana Salman Khan ayaa qaadan doono.

Shirkada Fox Star dhawaanahan dagaal xoogan ayay waday oo ay ku dooneesay in tiyaatarada Single Screens-ka kuwooda ugu badan filimkooda Laxmi Bomb la siiyo waxayna dagaal xili hore ku bilaabeen Salman Khan iyo filimkiisa Radhe balse haatan dagaalka si dabiici ah ayuu fashilmay madaama baaqashada daawashada Sooryavanshi hubanti ahaan ka dhigan tahay in Ciidul Fitriga Laxmi Bomb masraxa la saari doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here