Baba of Bollywood wuu soo laabtay wuxuuna haatan heestaa hadal heynta fanka Hindiya kadib markii Superstar Sanjay Dutt laga soo bandhigay aragti ama kaarto isaga u gaar ah filimkiisa weyn Panipat lana daawan doono 6 Dec 2019 waxaana maalinta berito ah lasoo bandhigi doonaa goos gooska ama boorsamiindada filimkan.

Panipat wuxuu Sanjay Dutt ku matalaa door xumaan ah ama dagaal yahan reer Afghanistan ah oo Hindiya dhanka Waqooyi kusoo duulayo qarniyadii hore asigoo ku matalaayo door lagu magacaabo Ahmad Shah Abdali waxaana la dagaalamayo ninka awooda badan ee Waqooyiga Hindiya ka tlin jiray cid kale ma ahan wa Arjun Kapoor oo doorkan adag matalaayo.

Filimka Panipat waxaa atirisho kowaad ka ah Kriti Sanon sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Mumtaaz, Zeenat Aman iyo Mahnish Bahl waana mashruuc lagu kalsoon yahay wacdaro xoogan inuu dhigi doono.

Mashruucan taariikhiga ah ee miisaaniyada xoogan xambaarsan waxaa Director ka ah Ashutosh Gowariker oo horey u sameeyay filimada Classic ah sida Lagaan, Swades iyo Jodha Akbar markaana Arjun Kapoor iyo Sanjay Dutt ayaa filimkiisa Panipat isku heli doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here