Home » . » Bahubali 2 April 28 2017 – 2.0 April 27 2018: Taariikhda Dib Ayay Usoo Noqan Doonta

Bahubali 2 April 28 2017 – 2.0 April 27 2018: Taariikhda Dib Ayay Usoo Noqan Doonta

Waxaa si rasmi rasmi ah shaaca looga qaaday in filimka ay hogaamiyaasha ka yihiin Super Star Rajinikanth iyo Akshay Kumar la daawan doono April 27 2018.

Sidaa daraadeed taariikhda dib ayay usoo noqan doonta maadaama sanadkii hore April 28 la daawaday filimka Bahubali The Conclusion oo iskooro taariikh ah ka dhigay gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Taariikhda Bahubali 2 hori iskoorka ku dhigay isla taariikhdaas waxaa sanadka danbe la daawan doona filimka lacagaha waalida ah lagu qarash gareeyay ee VFX heer sare ah la saaray Music ku raaxeysan doona halyeey AR Rahman ee 2.0.

Filimka 2.0 ama Robot 2 waxaa director ka ah filim sameeyaha weyn Shankar, halka atariisho ka tahay Amy Jackson waana qeybta labaad filimka 2010 Blockbuster-ka weyn noqday ee Enthiran.

Haddaba Aqriste Adigoo Fikradaada Adaagsanaaya Taariikhda Dib Ma Usoo Noqan Doonta Filimka 2.0 Ma Dhigi Doona Iskoorka Bahubali 2 Dhigay…..

2 Responses to Bahubali 2 April 28 2017 – 2.0 April 27 2018: Taariikhda Dib Ayay Usoo Noqan Doonta

  1. akram yare Reply

    December 3, 2017 at 5:08 pm

    mya waa adagthaty inuus sameeyo

  2. rudwaandxt Reply

    December 3, 2017 at 11:28 pm

    haa way adag tahay inuu heerkii laga filayay gaadho waayo filimo kale ayaa tiyaatarada lasaaran nasiib wacan ayaan kuu rajay nayaa 2.0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *