filimka Agneepath waa mid ka mid ah aflaamta uu Hrithik roshan uu ku faano waana filim super hit ah waxaana sidoo kale filimkan qayb weyn ku lahayd atariishada Priyanka chopra

waana mid ay ku muujiyeen inay si weyn isugu soo baxayaan marka ay joogaan shaashada horteeda laakiin iyaga iyo Sanjay dutt maysan qaadanin hadal-haynta filimka waxaa

sidoo kale filimka qayb libaax ka qaadatay gabadhii yarayd ee Hrithik walaashiisa ku jilaysay filimkaaas magaceeda waa kanika tiwari iyadoo si weyn kaga baxsatay doorka dhibka badnaa

laakiin hadda Kanika waa ay weynaatay sidoo kale waxa ay noqotay atariisho qurux badan waxaa laga jooga daawashada filimka Agneepath muddo ku dhow 7 sano

Kanika hadda waxa ay caanka tahay baraha bulshada iyadoo mar walba soo dhigta sawiro shidan iyadoo hadda doonayso in door atariisho ay kaga soo muuqato aflaamta bollywoodka madaama ay si weyn isku diyaarisay sidoo kalena ay tahay mid shidan oo qurux badan

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here