Inaba caadi ma ahan xiriirka Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt sida maalin walba baraha bulshada looga hadal hayo waxayba lamaanahan go’aansadeen xiliba xiliga ka dambeyo inee hadal heyn dhaliyaan aad ayaana loogu mashquulaa noloshooda gaarka ah.

Xaflad dhalasho ay ka qeyb galeen oo asaxaabtoodana dhigteen ayee goobta sawiro kula galeen lamaanahan asaxaabtooda mid kamid ah sawiradaas baraha bulshada ayuu Blockbuster ka noqday.

Waa sawir Alia Bhatt qabsaneyso ama ku dhageyso Ranbir oo qumaati u taagan dhinac ayee ka heysataa dadka qaar ayaa ku tilmaameen Alia jaceylkeeda inuu waali yahay maadama xili walbe inee isku duubto Ranbir jeceshahay waa sida baraha bulshada kasocoto maanta.

Dhowaan waxaa la hadal hayey guurka lamaanahan waxaana la filaa sanadkaab dhamaadkiisa inee aqal gali doonaan si qaas ah bilahaa November ama December hadii aysan isbedel dhicin waqtigaas ayaa loo badinaa guurkoodaa inuu dhaco.

Jaceylkii mudada 2sano soo socday waxaa looga fadhiyaa Ranbir iyo Alia inee ka dhabeyaan sanadkaan akhriste sawirkaan maxuu kuula muuqda Alia jaceylka haayo kawaran fikirkaada ka dhiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here