Bala ayaa jimcadiisa labaad ganacsi adag sameeyay waxuuna keenay 3.75 Crore (Trade Figure) tanina waxay ka dhigantahay in wadarta guud 73 Crore uu keenay Filimkaan mudo 8 maalmood ah.

Laakiin wuu ku guul dareestay jimcadiisa labaad inuu ganacsi ahaan dhaafo Filimada Chhichhore iyo Dream Girl oo iyaga min 5 Crore ka badan Bala balse isagana meelo qaar ayuu kaga wanaagsana marka lala bar bardhigo suuqyada ay oa gadmeen seddexdoodaba.

Waxuu ka sare maray ganaci ahaan Filimka Luka Chuppi marka jimcada labaad kaliya laga hadlo sido kale cimri ahaantiisa Luka Chuppi ganacsiga uu keenay axada ayuu Bala dhaafi doonaa sido kale Bala si raaxo leh ayuu 100 Crore ku gaari doonaa hubaal ahaan maadama filimada masraxa saaran uu isaga ka saameyn badan yahay.

Haduu sidaan ku socdo si deg deg ah ayuu SUPER HIT ku noqon doonaa maadama uu hader HIT yahay dhanka kale waxuu noqon doonaa Filimka 8-aad ee Big Hit noqda sanadkan waxaana ka horeyaan Filimada kala ah Kabir Singh, WAR, Uri, H4, Mission Mangal, Chhichhore iyo Dream Girl.

Hoos kaga bogo Bala iyo 8 Maalmood ganacsiga uu Box-office-ka gudaha India ka sameeyay:

Jimco: 9.50 Crore

Sabti: 15 Crore

Axad: 17.75 Crore

Isniin: 8 Crore

Talaado: 9.25 Crore

Arbaco: 4.75 Crore

Khamiis: 5 Crore

Todobaadka Kowaad: 69.25 Crore

Jimco Labaad: 3.75 Crore

Wadarta Guud: 73 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here