Bala oo Osman gabar khaa’inad ah gacanteeda ugu guurisay Osman oo noqday ugaaska beesha iyo xiisaha xalqada caawo taxana Kurulus Osman.

0
682

Taxanaha Kurulus Osman ayaa meel xaasaasi ah maraayo asigoona haatan lagu gudo jiro Seasonkiisii 2aad xili xalqada 9aad caawo soo galeyso.

Waxaan wada ognahay in xaaska Osman Ghazi ee Bala Khatun aysan awood u laheyn iney dhasho waqti xaadirkaan maadaama ilmo galeenka hada kahor dhaawac kasoo gaaray halka Osman uu doonayo ubad uu dhalo misna talada ka dhaxlo.

Sidaas owgeed Bala jaceyl ay Osman u qabto iyo si ay riyadiisa u rumeyso waxay u guurin doontaa gabar kale balse dhibka jira ayaa wuxuu yahay gabadha ay u guurineyso iney cadowga la shaqeyso oo jaasuusad tahay misna sirta qabiilka u gudbiso kirishtaanka.

Inkastoo gabadhaan waalidkeed la afduubtat si ay u badbaadisana falkaan u sameyneyso hadana Osman iyo Bala midkoodna kama warqabaan arinkaas iyo galista ay leedahay.

Xalqada soo socoto si weyn ayaa loo wada sugayaa iyo qaabka ay sheekadaan ku dhammaan doonto ogoowna Kurulus Osman waa taxanaha loogu daawashada badanyahay sanadkaan dhammaan taxanayaasha Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here