Qof walba oo taxanaha Bepanaah Pyaar Af-ka Soomaaliga ku daawado hada kadib waxuu halkaan kala socon karaan taxanahan qeybaha cusub ee uusan wali daawan af-soomaali ahaan.

Taxanaha qeybtii hore waxay joogtay Bani ama Pragati oo aqalka kusoo noqotay sido kalena xoog kusoo gashay ayadoo adeegsatay sharci oo waxay la timid warqado sharciyesan iyo inee hantida qeyb ka leedahay hadaba xalqad 113-aad hoos ka akhriso:

Bani si toos ah ayee qolkeeda u galeysa iyadoo careysan qolka dhexdiisa ayeena ku ooynee iyadoo la yaaban hab dhaqanka seygeeda Raghbir iyo sida qaabka daran uu ula dhaqmay balse wax walbo waxay ku liqee go’aankeeda ah inee runta cadeyso qatartana ka  badbaadiso seygeeda.

Qoyska wey tashanayaan sidee ka yeelo lahaayen Bani oo guriga kusoo noqotay balse marwo Kunti ayaa Raghbir kusii direyso Bani waxuuna goobta ka tagaa asoo dab oo kale u holcaayo si toos ah ayuuna qolka Bani u aada balse waxa dhaceyso in si lama filaan ah labadoodaba sariirta iskula dul dhacaan waxaan bilaawaneyso in daqiiqado ah indhaha la iska fiir fiiriyo muuqaal jaceyl ah.

Bani gaajo ayaa qabaneyso kushiinka ayeena raashiin u doonaneysa balse raashiinka waa laga dhameestay inyaro oo hartay ayee damce inee isticmaasho balse Marwo Ekta ayaa ka dafeyso qashinkana ku dareyso raashiinkii waxayna shaqaalaha ku amree inee raashiinkaas eeyaha siiso waxaas dhacayaan Raghbir waa daawanaya waxayna Bani goobta kala kulmee bahdil weyn.

Sida caadada ahed duqdii laadarada waxay raashiinka ugu daree Raghbir dawadii ay siin jirtay oo xanuun horleh u keeneysa isagoo Bani la jooga ayuuna xanuun dareema marwalba ay Bani iskudaydo inee garabsiisana wuu diidaa waxayna labadooda galayaan xusuus hore iyo jaceylkooda, kadib maalinta xigta ayaa la gaaraa.

Bani rasshiin ayee banaanka ka dalbane ay ku quraacato maadama guriga inee wax ka cunto loo diiday waxayna ninka raashiinka u keenay u sheege inuu lacagti siin doono seygeeda Raghbir, Raghbir lacagtii ayuu bixina isagoo ka xun waxuuna ku qabsana Bani waxayna leedahay xaq ayaa u leeyahay inaa iga bixiso maadama aan xaaskaada ahay wixii ka dambeya Raghbir waxuu aada xafiiska oo uu in mudo ah ka maqnaa halka Bani ay reerka kalsoonidii ay ku lahed inee soo celiso isku dayeyso.

Raghbir markuu xafiiska tago wuu yaaba waxuu arkaa shaqaalihii oo iska baashaalayaan kuwa Game ciyaaraya iyo kuwa iska hurdaan bedelkii ay shaqeyn lahaayen wuuna canaanana dhamaantod halka walaalkiis Harshit (oo laadar ah) uu kala wareegayo sharaxaada Project-ga macaamiishiina waxay ku qancayaan sharaxaada Raghbir.

Raghbir waxuu canaanana walalkiis Harshit oo uu ku qabsana intuu maqnaa sida shirkada isku bedeshay iyo hoos udhaceeda wuuna kasoo tagaa goobta asoo xanaaqsan waxuu imaana bar lagu ciyaaro qamrigana lagu cabo isagoo u yeerayo Bani.

Kaarkii Bani ee lacagta ugu jirtay ayuu isticmaala iyadoo maqleysa ayuuna dadka meesha jooga kudhaha waxaa cuneysaan iyo cabitaankiina xaaskeyga ayaa bixineysa waa Free ayuu leeyahay goobta waxaa ka dhacaayo muuqaalo Bani uu kudhibaayo uuna kaga hinaasinaayo ama kaga maseerinaayo.

Dhamaad halkaas ayee kudhamaane xalqada lasoco xalqada xigta iyo sida Bani kaga aarsan doonto Raghbir sido kale Marwo Kunti iyo wiilkeeda Harshit oo jiiska ah maxay sameeyn doonaan godkooda ileen biyo ugu soo galee markaan.

Hoos ka daawo muuqaal ahaan xalqada oo dhameestiran…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here