Home » Wararka Maanta » Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Dil To Pagal Hai

Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Dil To Pagal Hai

waxaan akhristayaasheena qiimaha badan naga soo codsadayn inan la wadaagno warbixnada aflaamta ku saabsan iyadoo midaas darteed aan bilownay barnaamij la magac baxay ma Ogtahay

iyadoo aad soo codsan karto filimka aad doonayso iin lagu soo gudbiyo xaqiiqooyinka u gaarka ah maanta waxaa diirada inoo saaran filimka lagu magacaabo dil to pagal hai oo la daawaday sanadkii 1997 waana filim ah blockbuster weyn


dil to pagal hai waa filim ka mid ah aflaamta Classicada ah oo ay sameeyeen bollywoodka waxaana filimkaan la daawaday sanadkii 1997 waana filim jaceyl sadex geesood ah

waxaana jilaayaal ka ahaa aktarada kala ah shah rukh khan mandhuri dixit iyo karishma kapoor waxaana muuqaal marti oo saameyn leh ku lahaa aktarka akshay kumar halka uu director ka yahay yash chopra

ma Ogtahay in doorkii karishma kapoor filimka dil to pagal hai afar atariisho oo caan ah waxaana ay kala yihiin juhi chawla, manisha koirala, urmila matondkara iyo atariishada kajol iyagoo qaar ka mid ah atariishooyinkan ay xiligaas ku mashquulsanaayeen duubista aflaamo kale

ma Ogtahay in karishma kapoor filimkaass u suurta geliyay inay ku guuleysato abaal-Marinta national award iyadoo kaliya xiligaas jirtay 24 sano

ma Ogtahay in karishma kapoor doorkeeda filimkaas waxaa lagu yeerayaa magaca nisha waxaana magacaan sidoo kale magacan loogu yeerayaa atariishada mandhuri filimkii hum aapke hain kaun

ma Ogtahay filimkii ugu horeeyay ay isla sameeyaan shah rukh khan iyo karishma kapoor iyagoo lix sano ka dib ay ku midoobayn filimkan shakti kaaso la daawaday sanadkii 2003 sidoo kale waxa ay ahayd markii ugu horeesay ee shaashada wadaagaan aktarada kala ah mandhuri dixit iyo akshay kumar

dil to pagal hai waa filim badbaadiyay mustqabalka atariishada mandhuri sababtoo ah dil to pagal hai waxaa la daawaday sanadkii 1997 mandhuri ayaa ka hor xiligaas waxaa filim ugu dambeesay filimkii raja kaaso la daawaday sanadkii 1995

iyadoo muddo 2 sano aysan sameyn filim hit ka dib markii dil to pagal hai uu u guuleystay waxaa ku adkaatay inay sameeso filim hit iyadoo mudo lix sano aysan sameyn filim hit  ah ilaa laga gaaro sanadkii 2003 oo xiligaas usoo baxay filimka devdas

ma Ogtahay albumka  heesaha filimkaas u noqday kii loogu jeclaa sanadkii 1997 sidoo kale waxa uu noqday heesihii ugu wanaagsanaa ee shirkadda yash chopra

ma Ogtahay in fanaanada lata mangeshkar inay heesaha filimkaas u qaaday atariishada mandhuri Iyadoo ahayd Filimkii ugu dambaysay ee fanaanadaas heeso ugu qaado mandhuri dixit iyadoo u qaaday heesaha kala ah are re are iyo heeska magaca filimka xambaarsan ee dil to pagal hai 

Wad Ku Mahadsan Tahay Akhriskaaga

Akhriste Waad Soo Codan Kartaa Filimka Aad Doonayso in Lagu Soo Gudbiyo Xaqiiqooyinkiisa

2 Responses to Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Dil To Pagal Hai

  1. rashid raaxo

    October 31, 2018 at 1:29 am

    fadlan waxan rabaa filimka ajay devgan ee JIGAR inaad xaqiiqoyinkiisa noosoo gudbisaan

  2. Abdi ahmed

    November 1, 2018 at 8:34 am

    Major saab noo soo daaya xaqiiqooyinkiisa.