Home » Wararka Maanta » Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Dulhe Raja

Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Dulhe Raja

Dulhe Raja waa filim Hindi ah oo soo baxay 10-kii July 1998 waxaana kasoo wareegatay daawashadiisa 19-sano waana filim shactiro badan oo aan laga xiiso dhigeyn.

Dulhe Raja waxaa wada jileen Govinda, Raveena Tandon, Kadar Khan, Johnny Lever, Prem Chopra iyo Asrani waana mid ka mid ah filimada ugu caansan oo ay Bollywood-ka sameeyeen ilaa haatana TV-yada siweyn looga daawado.

ma Ogtahay in Filimka Dulhe Raja sameyntiisa marka kowaad waxaa lala saxiixday Mamta Kulkarni si ay atirisho kowaad kaga noqoto balse markii dambe wey isaga baxday sabab la’aan.

ma Ogtahay in Govinda kaartada filimkaan wuxuu ookiyaalayaan fara badan waxaana xarakadaas laga soo min guuriyay kooxda fanaaniinta caanka ah Beatles iyo hogaamiyaheeda John Lennon.

ma Ogtahay in Filimka Dulhe Raja markii hore waxaa loo bixiyay magaca “Tu Haseen Main Jawan” balse markii shaqadiisa la dhameeyay ayaa magacaan laga badalay

ma Ogtahay in Raja waa filimkii ugu dambeeyay ee Govinda hogaamiye ka yahay kaasi oo Hit dhameestiran noqday waxaana kasoo wareegatay mudo 19-sano ah welina Govinda lama imaanin filim kale oo uu kaligiis hogaamiye ka yahay sidoo kalena Hit dhameestiran noqday!

ma Ogtahay in Shactiroole Johny Lever(Amadi) doorkiisii wacnaa ee shactirada badnaa filimkaan wuxuu ku qaatay abaal marinta shactiroolaha ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare Awards bixiso (Filmfare Award for Best Performance in a Comic Role).

ma Ogtahay in Inta badan 90-maadkii Govinda iyo Director David Dhawan waxay wada sameyn jireen aflaan Classic ah oo shactiro u badan kuwaas oo guuleesteen, laakiin Dulhe Raja waa filim shactiro dhameestiran hadana David Dhawan uusan sameynin, waxaana filimkaan Director ka ahaa Harmesh Malhotra laakiin dadka badanaa waxay u maleeyaan in Dulhe Raja ka mid yahay filimada Hit-ka noqdeen ee Govinda iyo David Dhawan wada sameeyeen.

ma Ogtahay in Director Harmesh Malhotra ee filimka Dulhe Raja sameeyay waa shaqsi Bollywood-ka laga tixgalin jiray horeyna u sameeyay filimada ay ka mid yihiin Nagina (1986), Paappi Devataa (1995), Kismat (1995) iyo kuwo kale.

 

ma Ogtahay in Heesta Classic ah ee filimkaan ku jirto Ankhiyon Se Goli Maare waa mid laga daba dhacay waxaana dhacday markii dambe Director Harmesh Malhotra inuu sameeyo filim magaca Ankhiyon Se Goli Maare wato sidoo kalena Govinda hogaamiye ka yahay.

ma Ogtahay in Filimka Dulhe Raja dib ayay u sameeyeen reer Koonfur Hindiya waxaana dib u sameesay shirkada Kannada ee isla Koonfurta ka jirto asigoo wato magaca Shukradeshe sanadii 2001.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *