Home » Wararka Maanta » Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Mann

Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Mann

Filimka Mann wuxuu soo baxay sanadii 1999 waana mid ka mid ah aflaanta jeceyl ee dunida looga jecel yahay sidoo kalena aan marnaba laga xiisa dhigin daawashadiisa.

Jilaayaasha filimkaan: Aamir Khan iyo Manisha Koirala halka Anil Kapoor iyo Rani Mukerji ay muuqaal marti ah ku lahaayeen

ma ogtahay in sheekada filimkan mann laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah An Affair to Remember (1957), sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in filimkii Bheegi Raat (1965) oo ay wada jileen Ashok Kumar, Meena Kumari iyo Pradeep Kumar isagana Mann isku sheeko yihiin oo laga soo min guuriyay.

ma ogtahay in Mann isla sanadii uu soo baxay sanadii 1999 waxaa la sameeyay asigoo Telugu ah micnaha reer Telugu ayaa sheekada Mann xuquuqdiisa qaateen waxayna kasameeyeen filimka Ravoyi Chandamama oo ay wada jileen Akkineni Nagarjuna, Anjala Zhaveri, Keerthi Reddy iyo Jagapati Babu.

ma ogtahay in Aishwarya Rai loosoo bandhigay inay Mann atirisho kowaad ka noqoto balse wey ku gacan seertay sameynta filimkaan waxayna ka dooratay sameynta filimka Hum Dil De Chuke Sanam.

ma ogtahay in Anil Kapoor  filimkaan uu muuqaal marti ah ku leeyahay waxayna ahayd markii ugu horeesay ee Anil filim la sameeyo ama kala soo muuqdo saaxiibkiis Aamir Khan.

ma ogtahay in Akshay Kumar ayaa markii hore loo bandhigay hogaaminta filimka Mann balse wuu ku gacan seeray asigoo xiligaas xiiso u qaban aflaanta jaceylka ah.

ma ogtahay in Tabu iyo Nandita Das ayaa ku dhawaadeen inay saxiixdaan Mann, laakiin Tabu filimkaan waxay ku weesay inay 2 inches (5.08 cm) ka dheeraatay Aamir Khan, halka Nandita Dus iyadana xiligaas xiiso u qaban inay filim jaceyl hogaamiye ka noqoto.

ma ogtahay in Aamir Khan markii hore wuu diiday sameynta filimka Mann balse DirectorIndra Kumar ayaa ku yiri “Igu kalsoonaaw waxaan ahayn qofkii kuu sameeyay filimada Dil (1990) iyo Ishq (1997)” Sidaas ayuuna Aamir markii dambe ku aqbalay sameynta Mann asigoo ka caga jiidayay laakiin markii dambe doorkiisa marka uu amaan ku helay wuxuu u mahad celiyay Director Indra Kumar.

ma ogtahay in Dhamaan 8-da hees ee filimka Mann ku jiraan waxaa ku wada luqeenayo fanaanka caanka ah Udit Narayan oo ay Aamir Khan waligood saaxiibo dhow ahaayeen.

Wad Ku Mahadsan Tahay Akhriskaaga

Akhiste Wad Soo Codsan Kartq Filimka Aad Doonayso In Lagu Soo Gudbiyo Warbixinadiisa Qaaska ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *