Rowdy Rathore waa film Action ah oo Akshay Kumar hogaamiye ka yahay halka Sonakshi Sinha iyo jilayaal reer koonfur ah mashruucan wax ka jileen.

Filmkan waxaa la daawaday maanta oo kale 1 June 2012 waana mashruuc Blockbuster noqday, hadaba waxaan idiin kaga heynaa xaqiiqooyin u gaar ah mashruucan halkaan hoose kaga bogo

ma ogtahay in aktarka Akshay Kumar filmkaan inuu  tababar qaas ah oo dhanka dagaalka ah  u galay isagoo horey u garanaayey dagaalka noocyadiisa kala duwan.

ma ogtahay in filimkan inuu yahay  filmkii kowaad ee Sanjay Leela Bhansali kaligiis maalgaliye ka noqdo kaaso Action ah maadama aflaamta Actionka Sanjay awal lala maal galin jiray.

ma ogtahay in Sheekada filmkaan in laga soo xigtay filmka Telugu ah ee Vikramarkudu ee Ravi Taji hogaamiyaha ka ahaa

ma ogtahay in filimkan uu ka mid yahay aflaamta Akshay kumar laba door ku jilay balse waa midkii kowaad ee uu uguulesta aflaamta uu labada door ama labad waji kujilay .

ma ogtahay inuu filmkan yahay filimkii labaad ee Sonakshi Sinha sameyso kadib filmkii Dabangg ee ay kusoo caan baxday kaaso uu Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here