Salman Khan iyo Jecqueline Fernandez oo Kick 2 sameenayaan bartamaha 2020 ayay duubistiisa bilaabaneysaa Rajat Arora oo qaybtii hore sheekadiisa qoray ayaa hadda qaybta labaad diyaarinaayo halka Sajid Nadiadwala uu Director ka yahay.

Goos gooska kooban filimka Dabangg 3 waxaa lagu soo dhex dari doonaa daawashada filimka War oo 2 October tiyaatarada la saarayo.

Prabhas ayaa aqbalay filimka weyn Ramayana inuu la sameeyo Hrithik iyo Deepika waxaa directo ka ah Nitesh Tiwari waxaana lagu daawan doonaa 5 luqadood waxaana lagu qarash gareenaa 500 Crore sanadka dambe ayaa laga hawl gali doonaa.

Kiara Advani ayaa Karthik Aaryan la jileyso filimka Bhool Bhualaiyaa 2 waxaana director ka ah Anees Bazmee waxaana la daawan doonaa 31 July 2020.

Vicky Kaushal iyo Bhumi Pednaker filimkooda Bhoot ayaa dib loo dhigay waxaana la daawan doonaa 21 Feb 2020.

Ayushmann Khurrana filimkiisa Bala ayaa daawashadiisa hal todobaad lasoo hormariyay waxaana hadda shaaca laga qaaday in la daawan doono 15 Nov 2019.

Kareena Kapoor iyo Irfan Khan filimkooda Angrezi Medium waxaa shaaca laga qaaday in 20 Maarso 2020 la daawan doono.

Rajkummar Rao, Jhanvi Kapoor iyo Varun Sharma filimkooda Roohi Afza ayaa shaaca laga qaaday in la daawan doono 17 April 2020.

Filim soo saare Boney Kapoor ayaa iibsaday xuquuqda filimka Tamilka ah ee Blockbuster ka sanadkan noqday Comali waxaana hogaamiye ka ahaa Jayam Ravi haatana Boney wuxuu filimkan u dhiibtay wiilkiisa Arjun Kapoor.

Sanjay Dutt ayaa xaqiijiyay in qoraalka sheekada Munna Bhai 3 gabo gabo tahay duubistiisana sanadka dambe isaga iyo Arshad Warsi bilaabi doonaan waxaana director Rajkumar Hirani.

Qodobka kusoo jiitay fikirkaaga ka dhiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here