Suaalo badan ayaa la weydiiyay shabakada Box-office India oo ah shabakada ugu fiican ka hadasho jilayaasha iyo Filimada waana shabakada sheegtay darajooyinka Megastars iyo Superstars sida loo kala yahay marba 10 suaalood ayaan kasoo qaadaya suaalaha tirada badan la weydiiyay.

1-Awoodii Amitabh Bachchan ee 80-maadkii yaa halis ku ahaa Vinod Khanna mise Anil Kapoor.?

Jawaabta BOI: Labadoodaba saxaafada ayaa buun buunin jirtay midna inta badan waa la hogaamin jiray (Vinod Khanna) midna dhamaadkii 80-kii ayuu awood yeeshtay marka Jeetendra ayaa ahaa atooraha halista ku ahaa Amitabh waxaana lagu ogaaday Filimkiisa Meri Awaaz Suno oo ka bilaawasho fiicnaaday ganacsi ahaan Amit Filimkiisa Kaalia.

2-Atooraha midkuu faaido ku qabaa tirada lacagta Filimkiisa soo xareeyo ama natiijada Filimkiisa gaaro.?

Jawaabta BOI: waxaa ufaaido ah tirada lacagta ee filimkiisa soo xareeyo inte la ektahay si sicirka suuqiisa sare ugu kaco balse natiijada Filimka ee Hit ama Superhit waxaa faaido ku qabaan kooxda Filimka iska leh.

3-Hrithik si uu unoqdo atoorihii ugu awooda badnaa 2000-2009 maxaa loo baahna inuu sameeyo.?

Jawaabta BOI: labo arin inee dhacdo ayaa shuruud ahed mida kowaad SRK guuldarooyin badan haduu iskadaba keeni lahaa mida labaadna Hrithik haduu shirkado kala duwan dhowr Blockbuster usameyn lahaa balse wuu dadaalay kaalinta 2aad ayuuna yimid xiligaas.

4-Waa kuwee Rajesh Khanna Filimadiisa ugu fiican guulo ahaan.?

Jawaabta BOI: Do Raaste, Aradhana, Sacha Jhuta, Haath Meri saath iyo kuwa kale.

5-Sidee kudhacday 2002 in Sunny Deol oo gabalkiisa sii dhacaayey ka mushaar badnaado Aamir Khan iyo Salman Khan.?

Jawaabta BOI: Aamir Khan 3 Crore ayuu ku qaatay Dil Chahta Hai mushaar ahaan waana mushaarkii ugu badnaa abid uu xiligaas qaato sido kale Salman 2.5 Crore ayuu ku qaatay Chori Chori Chupke Chupke waana mushaarkiisa ugu badnaa xiligaas halka Sunny Deol filimkiisa The Hero kuqaatay 5 Crore awoodiisana ilaa 2003 ayee taagneed.

6-Marka Box-office-ka la joogo waa kuwee xidigaha ugu waaweyn miisaan ahaan iyo awood ahaan abid.? Jawaabta BOI: Amitabh Bachchan, Dharmendra iyo Hema Malini.

7-Album-ka heesaha loogu iibsiga badnaa Bollywood taariikh ahaan waakee waxaan maqlay inuu Dil To Pagal Hai yahay.? Jawaabta BOI: Aashiqui (1990) ayaa ah Album-kii loogu jeclaa looguna iibsi badnaa abid hindiya waxaana kusoo xigo Dil To Pagal Hai.

8-qaringaan cusub 5-sano uhoreysay yaa awood badnaa Ajay Devgn iyo Akshay Kumar.? Jawaabta BOI: 2000 ilaa 2005 waxaa awood badnaa Ajay Devgn oo filimadiisa ay ka bilaawasho wanaagsanaayen kuwa Akshay balse 2005 ka bilaawato waxaa awood badnaa Akshay oo orod kudhaafay saaxiibkiis.

9-Hadii Sunny Deol Ghayal Superstar kunoqday, SRK na DDLJ kunoqday maxaa Hrithik udiiday inuu Superstar kunoqdo Kaho Na Pyaar Hai.? Jawaabta BOI: Sababto ah waa Filimkiisa kowaad Kaho Na Pyaar Hai caan ayuu ku noqday waxuuna kusigtay inuu Superstar noqdo laakiin dhowr aflaam oo Hit kaliya ayuu ubaahna si loo xaqiijiyo darajadaas wuuna la yimid wuuna xaqiijiyay.

10-Salman waxuu ka Big Hits badnaa 90-kii Sunny Deol iyo SRK oo waxuu sameeyay 13-Filim kudhowaad Big Hits ah hadana kaalinta 3aad awoodaha xitaa maso gelin 10-kaas sano sabab.? Jawaabta BOI: sababto ah awooda ma ahan sida loo kala Hit badanyahay ee waa sida loo kala hogaamin badan yahay filimadana iskooro kufurmaan waliba awoodaada.marka Salman filimada ugu guulaha waaweyn ee 90-maadkii badankood waa la hogaamiyay ama xidigo ka awood badan ayuu la sameeyay taasa kaliftay dhibacaha awooda in laga qaato.

1990 ilaa bilawgii qarnigaan Salman waxaa soo hogaamiyeen xidigo isaga ka awood badnaayen libinta Filimkana ka qaateen waqtigaas sida Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Sunny Deol, Sridevi, SRK marka 13 Filim Big Hits aad sheegtay badankood waa la hogaamiyay sidaas ayuu kuwaayey Top3 90’s. Lasoco Qeybta labaad suaalo culus ayaa kujiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here