Bisha October waa bil aad ugu muhiimsan dhanka fanka hindiya si qaas ah Bollywoodka maadama la daawan doono labo filim oo waaweyn kuwaaso kala ah WAR iyo Housefull 4.

Sidaan wada ognahay suuqyada Bollywoodka mudooyinkaan dambe waxaa iska heesteen oo ganacsi wacan ka sameynayeen aflaam qalaad sida kuwa Hollywoodka iyo kuwa koonfur India laga leeyahay halka kuwa Bollywoodka ganacsi cayiman sameynayeen ama qaarkood waaba fashilmi jireen.

Bishaan October labada Filim sida weyn loogu tashanaayo waa WAR iyo Housefull 4 waxaana ugu wacan inee mashaariic waaweyn yihiin mudo dheerna la hadal hayey, xidigo waa weyn ayaa hogaaminayaan sido kale WAR qiimaha tikitkiisa hormariska loo iibsaday ayaaba taariikh halka H4 goos gooskiisa si weyn looga helay.

Hadaba labadaas arrin oo iskulansadeen aawged qubarada Bollywoodka iyo shabakada Box-office-ka India waxay isku raaceen in WAR iyo Housefull 4 noqon doonaa aflaam October taariikh dhigi doonaan Big Blockbusters-na noqon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here