Atiriishooyinka caanka noqdeen ee kala ah Bhumi Pednekar iyo Kiara Advani ayaa dharka dhigteen gabi ahaana sawirada Fashion-ka udambeyeen ee ay sameyeen waa kuwa Internet-ka gi gilayaan siweyna loo hadal hayo.

Dadka seddex ayee u qeybsameen kuwa dhaliileen balse aan aflagaadeynin kuwa dhaliil iyo aflagaado isugu dareen iyo kuwa ku ammaaneen sawirada ilqabadka leh ee dadka oodhan ku yaaceen.

Arinka layaabka leh ayaa ah in labadoodaba ay mid walba sawiradeeda Instagram-ka soo dhigeen waliba iyagoo dhiiran waxaa muuqdaan jirkooda qeybaha kore oodhan oo qaawan dadka qaar waxay dhaheen Bhumi iyo Kiara ma waxay ku biireen shirkadaha aflaamta Anshax-xumada sameyaan sidee isku qaawiyeen markii lala yaabay.

Ma ahan markii ugu horeysay atiriishooyin sawiro Fashion sidano kale ah ay sameyaan dhowr jeer ayaana la arkay sido kale Sunny Leone ayaa kamid ahed dadkii sawirada qaawanaanshaha maalmahan soo bandhigeen midka Sunny wey fadhida dhar oodhan uguma jiro balse buug weyn ayee isku qarisay waase la dareemi karaa ineysan dhar wadanin.

Sido kale Kiara geed caleen moos ah ayee heysataa qeybta kore ee jirkeedana waa banaanyahay oo dhar mawadato lalama yaabi Sunny Leone balse Bhumi iyo Kiara ayaa siweyn loogu jafay baraha bulshada.

Waan kasoo tagnay sawiradaas m ahan kuwa lasoo xigan karo ama lasoo bandhigi karo waayo waa qaawanaansho xad dhaaf ah balse hadal heynta oo aad usareysa aawged ayaa maqaalkan kaga soo qornay iyi sids atiriishooyinkan loo fadeexeystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here