Atirishada door kasto sameyn karto Bhumi Pednekar waxaa u diyaarsan filimka Durgamati oo 11 bishan December si Online ahaan barta Amazon Prime Video looga daawan doono waxaana soo saarayaasha ka mid ah Superstar Akshay Kumar sidoo kalena mashruucan sheego ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Telugu ah Bhaagamathie ee sanadii 2018 Anushka Shetty sameesay kaasi oo HIT weyn noqday.

Haddaba filimka Dugramati sheekadiisa waxay ku saleesan tahay filimkii cabsida badnaa Bhaagamathie qof walbana wuxuu bilaabay inuu is bar bar dhigo Bhumi iyo Anushka Shetty madaama goos gooska filimka Durgamati lasoo bandhigay todobaadkii hore aadna looga helay. Balse Bhumi ayaa sheekada qaboojisay waxayna sheegtay inaysan la tartami karin Anushka.

Bhumi waxay tiri “Waan ogahay Anushka inay shacbiyad balaaran leedahay sidoo kalena Superstar ka tahay dhankaas iyo Koonfur anigana lama tartami karo waxaan ahay atirisho magac doon ah iyadana magaceeda halkii ugu sareesay ayuu gaara waxaana sharaf weyn ii ah filimkeeda Bhaagamathie inaan dib u sameenayo oo doorkeedii wacnaa dib u matalaayo.”

Bhumi filimka Durgamati waxaa ku wehliyaan Karan Kapia, Arshad Warsi, Jisshu Sengupta iyo jilaayaal kale wuxuuna ka mid yahay filimkan mashaariicda waa weyn ee bishan gudaheeda Online ahaan loo daawan doono weliba 11 bishan December ayaa barta Amazon Prime Video laga daawan doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Durgamati laga soo bandhigay ee cabsida badan waxaana hogaamiye ka ah Bhumi Pednekar halka Arshad Warsi isagana door adag oo siyaasi ah ku leeyahay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here