Inaba caadi ma ahan Filimka Bala maqaam aan laga fileynin ayuu gaaray si rasmi ah ayuu kaga talaabsaday darajada 100 Crore ganacsi ahaan waxuuna Filim iska yar oo miisaanyid yar xambaarsanaa mana loogu talo galin India oodhan fariin ahaan ee magaalooyinka waaweyn kaliya inee usoo daawasho tagaan ayaa loogu talo galay.

Dadka inta badan kuma fikirin in mashruucan 100 Crore dhaafi doono wuuna dhaafay Ayushmman Khurrana hada kadib darajada 100 Crore aktiisa waxba kama ahan atoorahan sare ukaca weyn sameeyay labadii sano udambeysay hubaal ahaana haduu sidan kusocfo Superstar-ka mustaqbalka dhow ayuu noqon doona sida uu horey usaadaaliyay Aamir Khan.

Filimkan oo Ayushmman kujilaayo nin bidaarta ku dhib qabo waxaa la hogaaminayaan Bhumi Padnekar iyo Yami Gautam waxaa dhacday in saxaafada la kulmaan Bhumi waxna ka weydiyeen dareen ahaan side tahay maadama Bala 100 Crore gaaray waxayna tiri.

Bhumi Pednekar on Bala's success: Having another Rs 100 crore hit is an amazing feeling

“Filimada noocaan oo kale ah cidna kuma fikirto inuu 100 Crore gaaro laakiin xeerkaas waxaa jabiyay Bala waxuuna noqday Filim wadankeena ku faanaan maadama fariintiisa shacabka soo dhaweyeen.”

“Aniga ahaan waan ku faana aadna waan ugu faraxsanahay inaan qeyb ka ahay Bala oo 100 Crore gaaray isagoo Filim iska yar ahaa waxaana muuqata fanka hindiya si awood kudheehan in wax badan iska bedelaan dooqa daawasayaashana is bedelay hubaal ahaan xili wacan ayaa kujirnaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here