Bhumi Pednekar atiriisho caan ayee noqotay kaliyana waxay sameeysay 6 Filim mudadii ay Bollywoodka kujirtay xidigtaan waana atiriisho laga daba dhacay oo taageerayaal badan durba sameeysatay xirfadeeda oo wacan ayaana laga helay.

Bhumi waxay kusoo caan baxday Filimka Dum Laga Ke Haisha oo Ayushmann Khurrana la jilay kadib 5 Filim kale oo lagu wada ammaanay ayee la timid ilaa Filimkeedi u dambeeyay Saand Ki Aankh.

Hader waxay xayeysiin balaaran u sameyneysaa Filimkeeda xiga ee Pati Patni Aur Woh ee ay la jileyso Kartik Aryan iyo Ananya Panday waxaana la daawana dhamaadka sanadkaan 2019.

Xidigtaan wareysiyada ay bixineysay mid kamid ah waxay ku sheegtay iney taageero weyn u tahay atiriishada Karisma Kapoor sido kalena Filimkeeda Biwi No.1 ay wax badan kasoo Copy gareysay waxaana Pati Patni Aur Woh lagu arki doonaa Bhumi oo iska dhigeyso Karisma muuqaal ahaan iyo jiliin ahaanba.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”waligey ayaa taageero u ahaa Karisma Kapoor anigoo yar ayaana daawan jiray Filimadeeda waxaan xusuusta labis kamid ah kuweeda Raja Hindustani inaan suuqa kasoo iibsaday Filimka oo tiyaatarada saaran jaceyl aan uqabay iyo anoo iyada ku dayanaayey.”

“Xaqiiq waxaan aaminsanahay Karisna xiligeeda inee ahed atiriishadii ugu wanaagsaned Bollywoodka soo martay sanadadaas sida ay kaalin weyn kaga qaadatay sare ukaca fanka hindiya dhamaanteena marqaati ayaan kanahay filimkeeda Biwi No.1 muuqaalo kamid ah Pati Patni Aur Woh ayaa ku arki doontaan anoo iyada iska dhigaayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here