Dood xoog leh ayaa dhex taalo kooxaha iska leh labada filim ee isku fariinta eg Bala oo hogaamiye ka yahay Ayushmann Khurrana iyo Udja Chaman oo uu hogaamiye ka yahay Sunny Singh waxayna labadan filim ka hadlayaan wiil dhalinyaro ah oo bidaar galeyso dhibaatana ku qabo faquuqa uu bulshada kala kulmo.

Kooxda filimka Udja Chaman iska leh waxay dacweeyeen kooxda filimka Bala iska leh ayagoo ku eedeeyeen in sheekadan sameynteeda iyaga ku horeeyeen kadibna laga Copy gareeyay oo lasii casriyeeyay kiiska maxkamadana weli laguma kala bixin balse arin kale oo ka daran ayay kooxaha filimkan ku dhaqaaqeen.

Qorshaha wuxuu ahaa Ayushmann Khurrana filimkiisa Bala in la daawado 7 Nov 2019 halka Sunny Singh filimkiisa Udja Chaman la daawan lahaa 8 Nov 2019 balse kooxda filimka Udja Chaman iska leh ayaa hal todobaad soo hormareen waxayna calaameesteen 1 Nov 2019 filimkooda in la daawado si ay kooxda Bala tiyaatarada kaga soo hormaraan.

Laakiin kooxda Bala iyagana talaabo waali ah ayay qaadeen wey soo guureen waxayna ku dhawaaqeen in 31-da bishan October filimkooda la daawanayo oo ay hal maalin masraxa kaga hormarayaan kooxda Udja Chaman iska leh!

Hadda waxaa la sugi doonaa talaabada xigta ee kooxda filimka Udja Chaman qaadi doonaan madaama masraxa looga soo hormaraayo todobaadkan dhamaadkiisa sidoo kalena dacwada ay kooxdan gudbiyeen dhageysigeeda waxaa lagu balansan yahay 4 bisha November sidaa darteed kooxda filimka Bala waxay rabaan inta aan la dhageysanin dacwada laga soo gudbiyay filimkooda tiyaatarada la saaro.

Waxaa xusid mudan in filimka Udja Chaman sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka shirkada Kannada sameesay ee Koonfur Hindiya laguna magacaabo Ondu Motteya Kathe halka kooxda filimka Bala iska leh lagu eedeeyay inay wax Copy gareeyeen si sharci daro ah oo aysan fariintooda tixraac laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here