Home » Nolosha Jilaayaasha » Big B Iyo Abhishek Oo Xalay Sem Final-ka Ciyaaraha Koob Aduunka Ruushka Ku Daawadeen!!

Big B Iyo Abhishek Oo Xalay Sem Final-ka Ciyaaraha Koob Aduunka Ruushka Ku Daawadeen!!

Amitabh Bachchan iyo wiilkiisa Abhishek Bachchan ayaa hader kusugan wadanka Ruushka halkaaso ay ku daawanayaan ciyaaraha koob aduunka kubada cagta ee lagu qabanaayo wadankaas Ruushka.

Wiilkaan iyo aabihiisa ayaa xalay daawadeen ciyaarihii Semi Final-ka dhexmareen France iyo Belgium ayadoo guusha ay raacday wadanka France, sida aad sawirka ka arki kartaan waa xili ay garoonka ku dhex suganyihiin.

Abhishek ayaa baraha  bulshada soo dhigay sawirkaan waxuuna soo raaciyay qoraalkan, “aniga iyo aabo waxaan daawanay kulanka France iyo Belgium dhexmaray guushana raacday France hambalyo France koob aduunka ayaan ku xiranahay oo aan Russia ku daawanena.”

Big B ayaa waqti la qaadanayaa qoyskiisa waxayna dalxiis ahaan u joogaan Ruushka halkaaso uu jilaagan koob aduunka gaba gabada ah ku daawanayo maadama uu yahay shaqsi jecel daawashada ciyaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *