Waxaa la isku raacay Sholay inuu yahay Filimka ugu weyn iyo midka ugu wanaagsan abid India sameyaan waa Filim kawada dhaxeya jiil walba oo soo kaco ilaa hadana lawada jecel yahay jiilka maanta iyo kii waqtigiisa ahaayenba.

Waa Filim inaba aan caadi ahen oo ay wada jileen Dharmendra, Amitabh Bachchan, Hema Malini, Jaya Bachchan, Sanjeev Kumar, Amjid Khan iyo kuwa kale ilaa hada dad waxay xusuustaan oraahyada cajiibka ee la isku dhaafsaday mashruucan.

Waxaa la sheegay in Filimkaan laga daawan doono xaflada sanadlaha ah ee loogu dabaal dago aflaamta sanadlaha IFFFI 2019. Amitabh Bachchan ayaa ka qeyb gali doono daah furka xafladan ee la qaban doono 20 bishaan November waxaana goobta lagu gudoon siin doonaa abaal marinta Dada Saheb Phalke Award oo dowlada India goobta kusiin doonto.

Waxaana xusid mudan in 6 kamid ah aflaamtiisa ugu caansan meesha laga daawan doono filimada min bilaaw ilaa dhamaad lama daawanaayo mid walba qeyb yar ayaa laga daawana si dadka loo xusuusiyo waayihii hore waxay kala yihiin 6-daas Filim Sholay, Deewaar, Piku, Paa, Badla iyo Black.

Sido kale Superstar-ka koonfur India Rajnikanth ayaa kamid Ragga goobta imaan doonaan asna waxaa meesha lagu gudoonsiin doonaa abaal marinta Golden Jubilee Award oo dowlada India siin doonto kana turjuman mudadii uu fanka kujiray iyo waxqabadkiisaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here