Big B Wadnaha, Priyanka Indhaha, Salman Sambabka Iyo Xidigaha Bollywoodka Sadaqeesteen Xubnahooda Kadib Dhimashadooda (+Sawiro)

Jilayaasha Bollywoodka qaar kamid ah ayaa durba sadaqeesteen xubnahooda kadib marka ay geeriyoodan in xubanahaas loo galiyo dad u baahan.

Hadii ay geeriyodan waxaa sii shaqeyn doonan xubnahooda oo qof kale isticmaali doono sida aan hader soo helnay qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka ayaaba sii saxiixen in hadii ay geeriyodan xubnahaas qofkii u baahan loo galin karo.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xidigaha Bollywoodka Xubnahooda Sadaqeesteen:

Aamir Khan:

‘Aamir waxuu saqadeestay kadib geeridiisa xubnahiisa kala ah Indhaha, Wadnaha, Sambabada, Beerka iyo kalyaha.

Aishwarya Rai Bachchan:

Quruxleyda Bollywoodka waxay indhaheeda quruxda badan ugu deeqaday qof walba oo u baahan kadib geerideda.

Amitabh Bachchan:

Mega Star-kan waxuu sadaqeestay xubanaha kala ah Kalyihiisa, Wadnihiisa iyo waliba indhihiisa kadib dhimashadiisa.

Priyanka Chopra:

PeeCee atirisho halyeey ah waxay deeqday ama sadaqeesay xubnaheeda oodhan ayadon meel qaas ah sheegin balse xubin walba oo jirkeeda ah aye sadaqeesay kuwa ugu muhiimsan oo dhan kadib geerideda.

Salman Khan:

Mega Star-kan kale waxuu asna sadaqeestay xubnaha kala ah Sambabada iyo lafta dhuuxisa ah…

Lasoco Qeybta Labaad…