Amitabh iyo Shashi waxaa lagu tilmaamaaa labada atoore ee ugu guulaha badan taariikh ahaan 70-maadkii iyo 80-maadkii waxay isla sameeyeen filimada caanka ah oo ay ka mid yihiin Deewaar, Roti Kapada Aur Makaan, Kabhi Kabhie, Trishul, Kaala Patthar, Silsila, Shaan iyo kuwo kale.

Hadaba Amitabh oo si gaar ah u xasuusto saaxiibkiis Shashi Kapoor ayaa qoraal aad u dheer ku xusay balse waxaa kasoo qaadanay inta nuxurka ah:

Si qurux badan oo soo jiidasho leh ayuu ugu tiirsanaa gaari nooca raaxada Mercedes Sports  ah waxaana sawirkiisa lagu soo bandhigay wargesyadii Bombay ugu caansanaa 60-maadkii.

Sawirkaas aan ka yaabay waxaa qoraal ahaan kani waa Shashi Kapoor wiilka Prithviraj Kapoor, walaalka ka yar Raj Kapoor iyo Shammi Kapoor kaasi oo dhawaan filimkiisa kowaad tiyaatarada la saari doono…….

Waxaan nafsadeyda ku dhahay macquul ma ahan inaan atoore noqdo waayo midkaan quruxda badan oo xarako dheeraad leh (Shashi Kapoor) ayaa Hindiya oo dhan qabsan doono, run ahaantii fursad iima furno!!!!

Sanadii 1969 waa xiligii aan shaqo raadiska ahaa sidoo kalena waa isla xiligii Shashi qof walbo raadin jiray runtii magaciisa xiligaas meel walbo ayuu ku baahsanaa anigana magaceyga Istuudiyaasha Bombay inaan baro ayaan dadaal ugu jiray, maxay Aduunyo aheyd!

Shashi Kapoor wuxuu ahaa bini aadan qalbi damacsan, marna aan xanaaqin, garab weyn i siiyay qaybna ka qaatay maqaamka aan fanka Hindiya ka gaaray, la’aantiisa filimadii aan isla sameenay kuwo hirgaleen oo ilaa maanta la xasuusto ma noqon laheyn”

“Lix sano ka hor ayaa iigu dambeesay kulanka Shashi Kapoor balse waxay iila mid ahayd inaan marwalbo kulano madaama uu yahay qof qalbo dabacsan oo xiliga aad is aragtiin wax badan oo wanaag ah kugu reebayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here