Director Sanjay Leela Bhansali wax niyad jab ah ma uusan ka qaadin in filimkiisii weynaa Inshallah noqday mid baaqday oo meel la iska dhigay kadib markii Salman Khan mashruucan isaga baxay wuxuuna Alia Bhatt ku raali galiyay inuu filim cusub oo ay hogaamiye ka tahay u dhiibay dhawaana duubistiisa bilaaban doonto madaama Alia ka niyad jabtay in filimkii Inshallah oo ay Sallu la sameyn laheyd lagu kala tagay.

Haatana aqbaar kale oo weyn ayaa xafiiska mudane Sanjay Leela Bhansali kasoo baxday oo ah inay isla shaqeyn doonaan Superstar Ajay Devgn oo hogaamiye ka noqon doono filimka xiga ee filim sameeyahan sameyn doono waxayna noqon doontaa Bhansali iyo Ajay mudo 20-sano kadib inay dib u wada shaqeyn doonaan madaama ay isugu dambeesay filimkii Hum Dil De Chuke Sanam oo sanadii 1999 la daawaday sidoo kalena Salman Khan iyo Aishwarya Rai wax ka jileen.

Director Bhansali marar kala duwan ayuu damcay inuu Ajay la shaqeeyo balse wey u suura gali weesay asigoo la jeclaa filimkii Bajirao Mastani inuu u sameeyo balse Ajay ayaa mashruucan iska diiday asigoo markii dambe Ranveer Singh calfaday haatan ayay noqon doontaa labadan awooda badan inay dib u wada shaqeeyaan waana arin in mudo ah la wada sugaayay.

Todobaadka dambe ama labo todobaad kadib ayaa si rasmi ah shaaca looga qaadi doonaa wada shaqeynta Ajay Devgn iyo Director Sanjay Leela Bhansali sida aan haatan warbixinta ku helnay ayadoo markaas shaaca laga qaadi doono wax walbo oo filimkan weyn ku saabsan iyo goorta laga hawl gali doono.

Ajay Devgn haatan wuxuu ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta duubista filimkiisa Maidan oo uu ku matalaayo tababare kubada cagta xulka Hindiya maamulo sidoo kalena wuxuu dhawaan bilaabi doonaa xayeysiin u sameynta filimkiisa weyn Tanhaji oo la daawan doono 10-ka Jan 2020 waxaana la jilayaan marwadiisa Kajol iyo Saif Ali Khan oo filimkan laadar ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here