Aqristayaasha qiimaha badan waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay filimka fariinta boqortooyo taariikhiga ah xambaarsan Prithviraj ee nolosha halgamaa Prithviraj Chauhan looga hadlaayo waxaana mashruucan weyn maal galineyso shirkada Yash Raj Films lana daawan doono Diwali 2020.

Sidoo kale waxaan idinla wadaagnay in gabadha quruxda aduunka ku guuleesatay Manushi Chillar atirisho kowaad looga dhigay halka ruug cadaa Sanjay Dutt door adag ku leeyahay oo Akshay adeerkiisa sii tababaraayo garabna siinayo ku matalaayo waxaana Director ka ah Dr. Chandraprakash Dwivedi.

Haatan waxaa shaaca laga qaaday labada jilaa ee awooda badan sidoo kalena door walbo sameyn karaan Sonu Sood iyo Ashutosh Rana lagu soo daray filimka Prithrivaj waxayna sare u qaadeen hadal heynta mashruucan sanadkan qeybihiisa dambe la daawan doono waxaana la sheegay in Ashutosh Rana filimkan ku matali doono boqorka lagu magacaabi jiray Jaychand halka Sonu Sood doorkiisa faah faahin laga bixinin balse waxay u badan tahay laadarka kowaad inuu mashruucan ka noqon doono oo haatan duubistiisa socoto.

Akshay Kumar ayaa doonayo duubista filimka Prithviraj inuu soo gaba gabeeyo dabyaaqada bisha Febraayo kadibna uu bisha Maarso bilaabo duubista filimkiisa kale Bachchan Pandey ee isagana la daawan doono Christmas 2020 sidoo kalena Kumar waxaa u diyaarsan filimada Sooryavanshi oo 27 Maarso 2020 la daawan doono iyo Laxmi Bomb oo Eid 2020 tiyaatarada la saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here