Superstar Akshay Kumar oo maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 52-aad waxay shirkada Yash Raj Films (YRF) shaaca ka qaaday mashruuca weyn Prithviraj ee Kumar hogaamiye ka yahay si taageerayaashiisa aqbaar wanaagsan ula wadaagaan madaama maanta maalin qaas ah u tahay mada daaliyaha kowaad ee Bollywood-ka ninka loogu yeero.

Shirkada YRF waxay soo bandhtay goos goos kooban (Teaser) oo si rasmi ah shaaca looga qaaday sumada ama shicaarka filimka Prithviraj laguna xaqiijiyay inuu Akshay Kumar hogaamiye ka yahay sidoo kalena waxaa la daawan doonaa Diwali 2020.

Akshay Kumar filimka Prithviraj wuxuu ku matalaa suldaankii geesigaa ee goobta dagaalka loogu gali jirin Prithviraj Chauhan waxaana mashruucan weyn Director ka ah Dr. Chandraprakash Dwivedi halka Aditya Chopra uu soo saare ka yahay.

Akshay Kumar isagana wuxuu dhahay “Sharaf weyn ayay ii tahay inaan idinla wadaago filimkeyga kowaad ee taariikhi ah laguna soo beegay shaac ka qaadisteyda dhalashadeyda waxaana ku faraxsanahay inaan nolosha halyee Samrat Prithviraj Chauhan shaashada kusoo bandhigo waxaa inoo madal ah Diwali 2020.”

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban ee filimka Prithviraj laga soo bandhigay una gaar ah shaac ka qaadista in Kumar si rasmi ah mashruucan weyn hogaamiye kaga yahay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here