Director Mohit Suri ayaa ku dhawaaqay filimkiisa Malang inuu qayb labaad ka sameenayo kadib markii mashruucan dhanka Digital-ka lagu soo fasaxay 15-ka bishan May barta Netflix laga daawaday siweyn looga helay amaan balaarana loo soo jeediyay qaabka sheekada mashruucan loo dhigay.

Malang waxaa hogaamiyaal ka ahaa Aditya Roy Kapoor, Disha Patani, Anil Kapoor, iyo Kunal Kemmu waxaana masraxa ama tiyaatarka la saaray 7 Feb 2020 asigoo noqday mid ganacsi ahaan guul dareestay oo Below Average ah inkastoo tiyaatarka uu ku waaray haddane mashruucan miisaaniyada xoogan la galiyay ayaa sababtay in 10% ilaa 20% qasaaro lagala kulmo.

Balse midaas kama dhigno in kooxda Malang qasaaro la kulantay waayo macaash adag ayay filimkan ka sameeyeen marka laga cabir qaato lacagaha adag kasoo gashay iibinta xuquuqda Digital-ka iyo Satellite-ka oo weli baaqi u ah madaama fariintiisa laga wada helay waa qasab in qayb labaad laga sameeyo waayo wuxuu heestaa fursad uu berito tiyaatarka kaga gadmi karo madaama suuqyada kale laga soo dhaweeyay.

Director Mohit Suri wuxuu yiri “Waad ku mahad santihiin sida aad uga hesheen daawashada Malang hubanti ahaan qof walbo oo gurigiisa ku jiro wuu daawaday mashruuceena wuuna amaanay sidaa darteed waxaan bilaabay diyaarinta qaybta labaad mashruucan sheekada xiisaha badana horey ayaan usii amba qaadi doonaa sidoo kalena dhamaan hogaamiyaasha mashruucan qaybtiisa kowaad kasoo muuqdeen ayaana qaybta labaad jili doonaan.”

Malang waxaa isla maal galiyeen shirkadaha T-Series iyo Luv Films waxayna labadan shirkad soo dhaweeyeen in Director Mohit Suri sameyn doono Malang 2 madaama sheekada filimkan laga wada helay qaybta kowaad waxay kooxdan heestaan fursad ay mashruucan horey ugu sii wada karaan markii Hindiya xaalada caadi kusoo laabato ayaa mashruucan tafaasiil dhameestiran laga bixin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here