Ugu dambeyntii si rasmi ah ayaa loo xaqiijiyay waqtiga la daawan doono filimka weyn Brahmastra oo ay ku midoobeen Amitabh Bachcha, Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waxaana Director ka ah Ayan Mukerji halka Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions soo saare ka tahay.

Brahmastra waa filim taxane Super Hero iyo qayaaliga seyniska isku jiro ah waxaana qaybta kowaad loo bixiyay Brahmastra: Part One waxaana la daawan doonaa 4 Dec 2020 ama dabyaaqada sanadkan weliba luqadaha Hindi, Telugu, Tamil, Kannada iyo Malayalam ayaa lagu daawan doonaa filimkan miisaaniyada culus xambaarsan.

Filimka Brahmastra sidoo kale waxaa doorar muhiim ah ku leh ruug cadaa Nagarjuna oo Koonfur Hindiya laga dambeeyo gaar ahaan dhanka Telugu iyo atirishada Bollywood-ka ka tirsan Mouni Roy ee markii hore dhanka musal salada ama Tv-yada magac ka sameesay weliba waxaa la isla dhex maraa in Mouni Roy filimkan laadar ka tahay ama door xumaan ku mataleyso.

Shirkada Fox Star Studio ayaa ka mid ah maal galiyaasha filimka Brahmastra oo shaqadiisa mudo socoto sidoo kalena marwalbo dib sababta loogu dhigaayo daawashadiisa waxaa la sheegay inay tahay in filimkan shaqo culus laga haayo dhanka adeegsiga aalada VFX madaama muuqaalo qayaali ah oo si dhib badan loo agaasimayo ku jiraan si daawadayaasha looga yaabsado.

Ugu dambeyntii taageerayaasha Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt oo xiiso u qabaan in lamaanahan xiriirka jaceyl ka dhaxeeyo shaashada ku daawadaan filimkooda kowaad waa laga farxiyay marba haddii Brahmasta kooxda iska leh xaqiijiyeen in 4 Dec 2020 ama dabyaaqada sanadkan la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here