Waan ka xunahay Director SS Rajamouli filimkiisa RRR loogu yeero sidoo kalena hogaamiyaal ka yihiin Ram Charan iyo Jr NTR halka Alia Bhatt iyo Ajay Devgn doorar adag ku leeyihiin ayaa la sheegay in dib loo dhigay ayadoo markii hore qorshaha ayaa in 30 July 2020 la daawado balse hadda waqtigaas diyaar ma noqon karo mashruucan.

Director SS Rajamouli ayaa laga soo xigtay in filimka RRR la daawan doono Janaayo 2021 feestada Pongal ama Sankrathi oo todobaadka ugu horeeyo sanad walbo Koonfur Hindiya ka jirto waxaana mashruucan dib loogu dhigay in NTR, Ram Charan, Alia Bhatt iyo Ajay Devgn weli la isku heli la’yahay hal waqti oo ay mashruucan kaga wada hawl galaan madaama hawlo kala duwan mashquul ku yihiin inkastoo filimkan duubistiisa socoto haddana muuqaalada ugu muhiimsan in hogaamiyaasha mashruucan isla duubaan ayaa la isku haleeli weesan yahay.

Director SS Rajamouli ayaa sidoo kale sheegay in sheekada filimka RRR uu dib ugu laabanayo si uu muuqaalo badan oo Action ah ugu soo daro weliba Ajay, NTR iyo Ram Charan ayaa iska garab dagaali doonaan ayadoo muuqaaladan Action-ka ah si casri ah kana saameyn badan filimada Bahubali loo duubi doono sidaa darteed dib u dhaca filimka RRR ayaa ah hadal heynta ugu weyn fanka Hindiya maanta ayadoo mashruucan shaqo badan u harsan tahay waqti badana u baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here