Big News; Hande Ercel wey soo laabatay yey shaashada kala soo muuqan doontaa? iyo taxanaha la filaayo iney sanadkaan lasoo shirtagto.

0
1143

Atariishada dhalinta yar misna qaab jiliinkeeda aad noosoo jiitay ee Hande Ercel ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo ay bilowdo mashruuc cusub kadib markii uu fashilmay mashruucii ay sanadkii hore lasoo shirtagtay ee taxanihii Halka kaasoo gabi ahaanba burburay.

Hande Ercel oo aad loogu riyaaqay doorarkii ay ku kala matashay taxanayaasha Gunesin Kizlari iyo Ask Laftan Anlamaz kaasoo ay soomaalida u taqaano jaceyl hadal ma fahmo kuna matashay doorka Hayat ayaa haatan markii ugu horeysay shaashada kala soo muuqan doonto jilaaga caanka ah ee Bugra Gulsoy waxayna ku midoobi doonaan taxanaha loogu magacdaray Azize (Hami) kaasoona lagu wado in maalmaha nagu soo fool leh duubistiisa la bilaabo.

25 jirtaan dhalinta yar ayay dadweynaha aad u jecelyihiin waxayna shacbiyad balaaran kuleedahay gudaha turkiga iyo daafaha caalamka siiba wadamada carabta oo aad looga xiiseeyo waxayna kamid tahay atariishooyinka ugu dhalinta yar misna la aaminsanyahay iney mustaqbal weyn leeyihiin.

Taxanaha Azize oo maalmahaan nagu soo fool leh duubistiisa la bilaabi doono wixii akhbaar kusoo kordho halkaan ayaad kala socon doontaan insha’allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here