Mega Star Salman Khan maalmo ka hor wuxuu bartiisa Twitter-ka shaaca kaga qaaday inuu sameyn doono filim oo lagu magacaabo Kabhi Eid Kabhi Diwali (Marna Ciid Marna Diwali) waxaana soo saare ka ah Sajid Nadiadwala halka Farhad Samji Director looga dhigay mashruucan weyn waxaana la daawan doonaa Eid 2021.

Haatan waxaa la ogaaday atirishada xawaaraha ku socoto Kriti Sanon in mashruucan lagu soo diray oo ay Salman jaceylkiisa ku matali doonto waxayna Kriti filimkan ka dul qaaday atirishooyinka kala ah Jacqueline Fernandez iyo Pooha Hedge oo musharaxiinta ka mid ahaayeen balse soo saare Sajid iyo Salman waxay isku raaceen in Kriti Sanon atirisho kowaad looga dhigo filimkan.

Kriti Sanon waxaa Bollywood-ka kusoo dartay shirkada Nadidadwala Grandson ee Sajid Nadiadwala madax u yahay ayadoo kusoo caan baxday filimkii Heropanti ee 2014 la daawaday sidoo kalena dhawaan waxay shirkadan u sameesay filimka Housefull 4 waxaa intaas u dheer isla shirkadan inay u sameyn doonto filimka Bachchan Pandey ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay lana daawan doono Christmas 2020 sidaa darteed Kriti Sanon u dhawaan shaha ay shirkadan weyn u dhaw dahay ayay ku heshay filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali inay Sallu la sameyso.

Dhinaca kale Salman Khan ayaa sheegay in filimkan cusub Kabhi Eid Kabhi Diwali uu ka hawl gali doono wixii ka dambeeyo bisha Maarso marka uu duubista filimkiisa Radhe gaba gabeeyo ayadoo filimka Radhe la daawan doono Eid 2020 ama Ciidul Fitriga sanadkan waxayna ka dhigan tahay Salman in sanadkan hal filim kaliya lasoo shirtagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here