Superstar-ka Hindiya oo idil ka dhaxeeyo Prabhas ayaa ciwaanada fanka Hindiya qaatay madaama si rasmi ah loogu dhawaaqay inu sameenayo filim cusub oo Action ah sidoo kalena fariinta gaangester-ka xambaarsan laguna magacaabo Salaar waxaana mashruucan agaasimayo Prashanth Neel oo ku caan baxay sameynta KGF Chapter 1 oo la daawaday 2018 iyo KGF Chapter 2 oo la daawan doono sanadka dambe 2021.

Filimka Salaar wuxuu Prabhas kusoo bandhigi doonaa awood iyo Action-mo aan horey loogu arkin madaama filimkan waxba la isku reeban doono arimaha gangeesternimada iyo qamarjinimada looga hadlaayo waxayna duubistiisa bilaaban doonaa Janaayo 2021 ayadoo la daawan oono horaanta 2022 waana filim dhamaan luqadaha kala duwan ee Hindiya lagu daawan doono.

Prabhas mashquul xad dhaaf ah ayuu bartanka kaga jiraa markaana filimo kala duwan ayuu saxiixanayaa wuxuuna ka faa’iideeanaa awoodiisa iyo shacbiyada uu leeyahay waxaa hadda u diyaarsan filimka Radhe Shyam oo horaanta sanadka cusub la daawan doono, kadib wuxuu sameyn doonaa filmada Adipurush, Salaar iyo Director Naga Ashwin filimkiisa xiga oo qayaaliga seyniska fariin ahaan xambaarsan.

Kooxda filimada KGF Chapter 1 iyo 2 sameeyeen ayaa isla filimkan Salaar maal galinayaan waxayna shirkadan Homale Films ku faraxsan tahay la shaqeynta Prabhas inay awoodiisa sida saxda ah kaga faa’iideesan doonaan sidoo kalena dhawaan ayaa shaaca laga qaadi doonaa jilaayaasha kale ee doorarka muhiimka ah mashruucan weyn ku yeelan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here