Superstar Prabhas oo ah atooraha kaliya ee Koonfurta Hindiya, Waqooyiga iyo gobol walbo aflaanta ka gadi karo ayaa maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 40-aad sidaa darteed xidigan warbixino kala duwan ayaa laga qorayaa oo ku aadan mashaariicda uu dhawaan sameyn doono.

Waxaa haatan la arkay Prabhas oo kulan la qaatay Director Rohit Shetty madaama filim sameeyahan magaalada Hyderabad ku duubayo jadwalka ugu dambeeyo filimkiisa Sooryavanshi ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay waxayna halkaas ku qaateen kulan saacado badan qaatay inkastoo si rasmi ah loo xaqiijinin labadan guusha u saaxiibka ah inay wada shaqeyn doonaan haddana xanta ugu weyn ee jirto aya ah in Prabhas sameyn doono filim Bollywood ah oo Rohit Shetty Director ka yahay.

Waxaa lala yaabay sida Prabhas uu HIT kaga dhigay filimkii Saaho qaybta Af Hindiga lagu daawaday inkastoo filimkan dhaliil xoogan loo soo jeediyay fariintiisa haddana awoodiisa ayuu ku gaday weliba ku dhawaad 150 Crore oo nadiif ah ayuu qaybta Af Hindiga soo xareeyay sidaa darteed awooda Prabhas waa la isku hubaa markaana Bollywood-ka waxaa kusoo daraayo Rohit Shetty oo guusha u saaxiib ah sidoo kalena sameeyo aflaan xarakaad badan tayo wanaagsana leh.

Filim sameeye Karan Johar ayaa dhawaan wacad ku maray inuu Prabhas Bollywood-ka kusoo dari doono si ay awoodiisa iyo shacbiyada uu leeyahay kaga faa’iideestaan waxaana macquul ah in Karan ka dambeeyo kulankan madaama Karan iyo Rohit Shetty saaxiibo dhow yihiin sidoo kalena filimka Sooryavanshi isla maal galinayaan waxaan sugnaaba waa in Prabhas Bollywood-ka lagu soo daro awoodiisana Hindiya oo idil ku baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here