Mega Powerstar Ram Charan ayaa ku dhawaaqay sameynta filimkiisa 15-aad ee uu hogaamiye ka yahay wuxuuna mashruucan noqon doonaa mid Hindiya oo idil laga daawan doono waxaana Director ka ah Shankar oo awood balaaran ku leh dhankaas iyo Tamil ama fanka Kollywood loo yaqaan.

Shankar waa filim sameeyaha ugu awooda badan Tamil wuxuuna horey u sameeyay filimada hirgaleen sida Indian, Shivaji, Robot, I iyo 2.0 haatana waxaa u diyaarsan filimka Indian 2 oo Superstar Kamal Haasan hogaamiye ka yahay lana daawan doono sanadkan gudihiisa. Ram Charan isagana wuxuu soo gaba gabeyn rabaa filimkiisa weyn RRR ee Jr. NTR isla jilayaan sidoo kalena filimka Acharya ee aabihiis Chiranjeevi hogaamiye ka yahay door muhiim ah ayuu ku leeyahay.

Ram Charan iyo Shankar wada shaqeyntooda waxaa ka shaqeeyay filim soo saaraha caanka ah Dil Raju wuxuuna u noqonaa mashruuca 50-aad ee uu maal galiyo filimkan miisaaniyada culus xambaarsan waxaa la daawan doonaa sanadka dambe ayagoo lagu daawan doono luqadaha Hindi, Tamil iyo Telugu waana filim Hindiya oo idil loogu tala galay oo Director Shankar si caalami ah u sameenayo madaama ay tahay markii ugu horeesay Ram iyo Shankar wada shaqeyn doonaan waxay ku miidobeen mashruuc weyn.

Ram Charan wuxuu yiri “Aadban ugu faraxsanahay inaan la shaqeyn doono mudana Shankar oo ku caan baxay sameynta aflaan waqtigooda ka horeeyaan, sidoo kalena sharaf ayay ii tahay inay filimkan weyn ii maal galinayaan mudana Dil Raju iyo Shirish Garu waana filim Hindiya oo idil laga daawan doono kuna kalsoonahay in meel walbo laga soo dhaweyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here